4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Siminaar 200 haween Soomaaliyeed ah loogu qabtay Muqdisho(SAWIRRO)



Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Hay'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed UYS ayaa maanta Magaalada Muqdisho ugu qabatay ilaa 200-haween ka socday qeybaha bulshada, kaasoo diirada lagu saarayay sida bulshada naafeysay dagaalada ilaa heer degmo dib u dejin loogu sameyn karo.

Siminaarkan oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano ka socday Baarlamaanka, Mas'uuliyiin ka tirsan Ahlusunada, Madaxda iyo Howlwadeenada Hey'adda UYS ayaa waxaa ka qeyb galayaasha siminaarka ee haweenkii ka socday qeybaha bulshada ay kaga faa'ideysteen aqoon kororsi iyo ajandayaasha siminaarka oo lix qodob ka koobnaa, kaasoo ay fikrado iyo talooyin la isku weydaarsanayay.

Gudoomiyaha Hey'adda UYS Mudane Ciise Xasan Diinax oo qaatay furitaanka siminaarka ayaa ugu horeyn ka hadlay dadaalka ay geliyaan siminaarada wacyi gelinta iyo kuwa ay sare ugu qaadaan bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo sheegay in siminaarkan ay u qabanayaan Haweenka uu yahay midkii 7aad, waxaana uu balan qaaday inay badin doonaan.

"Siminaarkan waxaa uu yahay midkii 7aad ee haweenka u qabanayo, waxaan rajeyneynaa inaan sii badino, waxaan ka codsaneynaa haweenka ka qeyb qaadanay wixii fikrad ama aqoon ay ka qaateen siminaarka inay guryahooda la tagaan oo ay dadka sii gaarsiiyaan"ayuu yiri Ciise Xasan Diinax oo intaa ku daray in dhibaatada 21-sano jirsatay ee dalka ka taagan ay sameyn weyn ku yeelatay dadka rayidka, isagoo soo hadal qaaday dagaalada Gobolada dhexe ku dhex maraya Beelaha walaalaha.

"Waxaan hubaa in haweenka ay door weyn ka qaadan karaa nabada, waayo wiilasha dagaalamaya ayagaa dhalay, waa la dhasheen waana u dhaxeen, sidaas darteed colaadaha ka jira Gobolada dhexe inay u istaagaan sidii ay u xalin lahaayeen, meesha lagu dagaalamao ma ahan meel dahab, ama shidaal ama macdan lagu dirirayo waxaa lagu dagaalamayaa waa dhul, waa in loo kacaa sidii loo damin lahaa colaadaas, waxaa maqlay labo nin oo walaalo ah, oo ay hal hooyo isku dhashay, labo dhinacna ka soo jeeday inay ku dhinteen taas waa nasiib daro, dagaal ma ahan waa isir sifeyn"ayuu mar kale yiri Mr Ciise Xasan Diinax

Gudoomiyaha Hey'adda UYS Ciise Xasan Diinax ayaa ugu baaqay bulshada inay kawada shaqeeyaan sidii wada jir loogu kici lahaa nabad in la raadiyo, waxaana uu ugu baaqay dadka soomaaliyed inay u gurmadaan walaalahooda saameeyay abaaraha, gar gaarna lala gaaro.

Xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabey oo siminaarka hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in aysan iyada la aheyn in gar gaarka loo qeybinayo dadka abaaraha lagu aamino Al-Shabaab, waxaana ay soo qaadatay in dhibaatada hada jirta ee abaaraha ay sabab u yihiin, horayna hey'adaha ugu diideen inay gar gaar qeybiyaan.

"Dhulka Al-Shabaab heysato ayagaa dadka kasoo barakiciyay, waayo hay'adihii way diideen, dadkii waa cunaqabateeyaan, dalkan abaaro shalay iyo maanta kama dhicin, marka abaaro ay dhacaan dad baa u bixi jiray hay'adda u gurman jiray, laakiin hey'adahaas waa loo diiday"ayay tiri Xildhibaanada oo intaa ku dartay in hadalka Al-Shabaab ay gar gaarka ku ogolaadeen uu yahay mid siyaasadeysan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Haweenka UYS Deeqo C/qaadir Axmed ahna Gudoomiyaha degmada Wardhiigley ayaa sheegtay in aan lagu aaminin gar gaarka sama falka Al-Shabaab, waxaana ay bulshada ugu baaqday inay u kacaan sidii gar gaar loola gaari lahaa bulshada.

"Ma lagu aamini karo gar gaarka dadkaa, waxaan hubaa inay dhaqaale doonayaan oo ay rabaan inay wax ku cunaan, waayo dhaqaale la'aan soo wajahday, bulshada iyadaa is taakuleyneysa oo laga rabaa inay u gurmato"ayay tiri Gudoomiyaha Haweenka UYS Deeqo C/qaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Axmed Shuqul Sheekh Aadan Dheere oo isna ka hadlay siminaarka ayaa qaatay mid ka mid ah ajandayaasha siminaarka, isagoo amaanay dadaalka Hey'adda UYS u gashay sidii haweenka ay isugu keeni laheyd, isla markaana bog cusub u furtay in sidii siminaaro iyo aqoon kororsi looga shaqeynayo nabada ay u furtay.

Sheekh Axmed Shuqul ayaa xusay in dhibaatada dalka ka jirta ay qeyb ka tahay warbaahinta oo uu xusay in loo adeegsado kuwo wax lagu dumiyo laguna dhiso, waxaana uu cadeeyay in xilligan ay door weyn ka qaadatay in dhalinyaro badan lagu marin habaabiyo.

"Haddaan soo qaato warbaahinta Al-Shabaab waxay tahay mid buun buunisay fikriadaha qaldan ee dalka la soo geliyay, waayo dadka is qarxinaya waa meelaha lagu marin habaabiyo, Al-Shabaab waa qeyb ka mid ah cadawga aan naqaano, ilmaha Bakaaraha jooga iyo kuwa Washington ku sugan waa isku mid, hal dareen ayay wadaagaan oo ah in wax la dumiyo, shaati diimeed ayaa nagu dhex jiro oo dalka iyo dadka nagula duminayo waa inaan ka hortagnaa"ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

Waxaa uu sheegay in Ahlusuna ay bulshada u cadeyso in waxa la wado aanay diin aheyn, isla markaana ay bulshada u sheegto in dadka la marin habaabiyay, si looga hortagana la sameeyo tallaabooyin deg deg oo lagaga hortago.

Sidoo kale waxaa siminaarka ka qeyb galay xubnaha Gudiga Haweenka UYS oo ay ka mid ahaayeen Xaawo Cali Maxamuud (Xaawo Kiin), Raxmo Daahir Maxamed, Carfoon Wehliye Siyaad, Luul Warsame Guuleed iyo Faadumo Axmed Geeddi oo dhamaan sheegay in haweenka ay kaalin weyn ka qaadan karaan sida caruurtooda ay ugu toosin lahaayeen wadada saxda ah, isla markaana ay ku koontaroolaan waxbarashada, waxaana ay soo jeediyeen in haweenka ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha sidii walaalahooda ay kaalmo u gaarsiin lahaayeen.

Ugu dambeyn waxaa siminaarka soo xirtay Xildhibaanad Maryan Sheekh Cismaan oo ammaan u jeediyay Hey'adda UYS iyo sida ay u soo qaban qaabisay siminaarka ay haweenka isugu keentay, waxaana ay ugu baaqday haweenka inay ka faa'ideystaan waxyaabihii ay ka barteen siminaarka, ayna gaarsiiyaan bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana ay ugu baaqday Hey'adda inay badiso siminaarada ceynkan oo kale ah.

Maxamed Xaaji Xussein
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya