4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Dowladda Britain oo bixinaysa gargaar lagu caawinayo hal milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaraha geeska Afrika

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Dowladda Britain ayaa sheegtay inay gargaar u fidinayso qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaasoo ka cararay abaaraha iyo colaadaha ka taagan dalka Soomaaliya.

Xoghayaha horumarka calaamka ee Britan Andrew Mitchell ayaa lagu wadaa inuu booqdo todobaadka xeryaha Dhadhaab, halkaasoo uu kaga dhawaaqi doono deeqda ay Britain ugu talogashay qoxootiga Soomaaliyeed, waxaana socdaalkaas ku wehlin doona madax gudiga gurmadka deg-deg ah ee Britain, Brendan Gormley iyo madaxa haya’dda Save the Children ee UK, Justin Forsyth.

Dowladda Britain waxay gargaarkeeda ugu talogashay hal milyan oo qof oo ku sugan Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo xaaladda bani'aadinimdu ee geeska Afrika ay si xumaaneysa.

"Mr. Mitchell wuxuu booqan doona xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, halkaasoo uu kula kulmi doona qoysas Soomaliyeed oo deegaannadoodii ay kasoo barakicisay nolol xumo, kuwaasoo raba inay naftooda badbaadiyaan," ayaa lagu yiri war loogu talogalay saxaafadda oo kasoo baxay Britain.

Sidoo kale, waxaa warsaxafadeedkan lagu sheegay in Mitchell uu booqan doono isbitaal ku yaala waqooyiga Kenya, halkaasoo uu kusoo arki doono dadaalka ay kula tacaalayso haya’dda Save the Children UK caruurta nafaqo-darrida ay hayso iyo kuwa kale ee xanuunnada kala duwan qaba.

Deeqda ay Britain bixinayso oo gaaraysa 52.25 malyan oo giniga Ingiriiska ah ayaa waxaa lagu gaarsiin doonaa gargaar deg-deg ah in ka badan 500,000 qof oo ku nool Soomaliya oo ay ka mid yihiin 70,000 oo caruur ah, kuwaasoo ay haysto nafaaqo-darro daran.

Sidoo kale, gargaarka deg-degga ah waxaa la gaarsiin doonaa 130,000-qof oo ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadaab, kuwaasoo heli doona biyo nadiif ah oo ay cabaan iyo daryeel caafimaad.

"Dhamaan dadka reer Britian waxay si naxaariis ah uga jawaabeen codsigii ka yimid hay'adaha samafalka Britain ee ka shaeqeeya geeska Afrika. Balse, xaaladda way sii xumaaneysa, gaar ahaan Soomaaliya halkaasoo dadka dhibaateysan ay ku nool yihiin goob xasillooni-darro ay ka jirto," ayuu Andrew Mitchell ku yiri warka uu ugu talogalay saxaafadda.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa raaciyay: "In ka badan 3,000-qof ayaa maalin walba u cararaya soohdimaha ay Soomaaliya la wadaagto Kenya iyo Itoobiya, kuwaasoo kala cararaya caruurtooda gaaja jirta. Beesha caalamka waa inay wax badan ka qabataa sidii loo kalmeyn lahaa qaxootiga iyo dadka ay saameeyeen abaaraha oo wali jooga gudaha Soomaaliya."

Madax guddiga gargarka deg-deg ah ee Britain, Brendan Gormley ayaa isaguna wuxuu yiri: "Baahida loo qabo sare u qaadidda dadaalka waa mid xaasasi ah, waxaan aad uga faraxsan-nahay in xoghayaha uu maanta ku dhawaaqo in dowladda UK ay deeq dheeriah bixinayso."

Justin Forsyth, madaxa hay'adda Save the Children UK, ayaa isaguna sheegay inuu arkay maalmihii lasoo dhaafay qoxooti badan oo ay saaameyn xooggan ku yeelatay abaarta ka tagaan Soomaaliya oo galaya xeryaha qoxootiga Dhadhaab.

"Dowladda UK go'aankan kasoo baxay iyo gurmadka dadka reer Britain waxay badbaadin doonaan noolasha boqolal kun oo qof oo naftoodu khatar ay galisay abaartii uga darnayd oo la arko inta la nool yahay," ayuu yiri Forsyth.

Ugu dambeyn, Andrew Mitchell wuxuu soo dhaweyay go'aanka dowladda Kenya ay ee la xiriira furitaanka xeerada IFO II iyo goob lagu diiwaan-geliyo qaxootiga oo ku taalla soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya