4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Dagaalyahanno taabacsan Xarrakada Al-shabaab oo gaari dawooyin siday ku gubay gobolka Gedo

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Xoogag la rumeysan yahay in Xarrakada Al-shabaab ay taabacsan yihiin ayaa ku gubay shalay Jimco ahayd gallinkii dambe deegaan u dhexeeya degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo gaari ay dawo ku rarnayd oo la sheegay in loogu talogalay dadka abaaruhu saameynta ku yeesheen ee ku sugan gobolkaas.

Wararkan ayaa waxay intaas ku darayaan in gaariga uu ka yimid degmada Mandheera ee dalka Kenya uuna ku wajahnaa degmada Garbahaarey, waxaana kooxaha gubay ay kala dageen darawalkii gaariga waday iyo ruux mas'uul ka ahaa dawada.

Dawadan oo mucaawino ahayd ayaa la sheegay inay mas'uul ka ahayd hay'ad maxalli ah oo ka howlgasha gobolka Gedo, iyadoo aan la ogeyn sababta ay kooxda hubeysani u gubtay dawada iyo halka ay ku sugan yihiin darwalkii iyo ruxii la socday ee la watay.

Xarrakada Al-shabaab ayaan ka hadlin dawada la gubay, waxaase wararka laga helayo deegaanka lagu gubay dawada ay sheegayaan in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay baadi-goob ku hayaan kooxihii ka dambeeyay gubidda dawada.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Xarrakatul Shabaab ay ku dhawaaqeen toddobaad ka hor in hay'adaha gargaarku ay ka howlgeli karaan goobaha ay ka taliyaan si ay u caawiyaan dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

Dhawaan ayay ahayd markii diyaarad mucaawinooyin kala duwan siday una rarnayd hay'adda UNICEF ay ka dagtay garoonka diyaaradaha Baydhabo, kaddib muddo saddex sano ah oo uusan gargaarka caalamiga ah tegin gobollada ay ka taliso Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya