4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Xarakada Al-shabbab oo isku-shaandheyn ku sameysay Maamulkii Degmada Salagle ee Gobolka Jubbada dhexe

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Maamulka Xarakada Al shabbab ee gobbalada jubbooyinka ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay maamulkii horay oga dhisnaa degmada Salagle ee gobbalka jubbada dhexe, waxaana ay arintani ay ka dambaysay kadib markii maalmahaan dambe Saraakiil ka tirsan Xarakada Al shabbab ay booqosho indha-indhayn ah ay ku sameenayeen maamulada ka dhisan degooyinka gobbalka jubbda dhexe ee hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabbab.

Xaflad ay ka soo qayb galeen masuul sare sare oo ka tirsan Xarakada Al shabbab islamarkaasna ka dhacaday xarunta maamulka degmada Salagle ayaa waxaa gudoomiyaha cusub ee maamulka degmadaasi loo magacabay ‘’ Sheekh Cabdulaahi Xasan’’, ayadoona magacaabistaasi uu ku dhawaaqay kusimaha xilka gudoomiyaha gobbalada jubbooyinka ee Al shabbab Sheekh Maxamed Sahal’’.

Degmada Salagle ee gobbalka jubbada dhexe Sadexdii bilood ee lasoo dhaafay ma,aysan lahayn gudoomiye iyo maamul si buuxa u shaqeeya waxaana ay sababtu tahay Gudoomihii degmada Salagle ee Xarakada Al shabbab ‘’Sheekh Khaalid’’ oo ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay degmada Dhoobley ee gobbalka jubbada hoose,isaga iyo masuulyiin maamulkiisa ka tirsan’’ sidaasi waxaa HOL u xaqiijiyay midka kamid ah dadka ku nool degmada Salagle.

.Ugu dambayntii masuulyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al shabbab ee maamulkaasi ku dhuwaaqay ayaa u duceeyay ‘Sheekh Khaalid’ oo ahaa gudoomiyhii hore ee degmada Salagle oo ay ku sheegeen inuu ahaa nin howl kar ah oo dagaalka jihaadka aad ugu wanaagsan, waxaana uu ku geeroyooday dagaalkii ay Xarakada Al shabbab ay la gashay ciidmada dowlada KMG ah ee somlaia iyo kuwa Xarakada Raaskaamboone ee ka dhacay degmada dhoobley ee gobbalka jubbada hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya