Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa ee Somaliland oo si heer Qaran loogu aasay Magaalada Hargeysa(SAWIRRO)
Arbaco, July 13, 2011 (HOL) – Allahaa u naxariistee waxa maanta si heer Qaran ah magaalada Hargeisa loogu aasay Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeisa Marxuum Muuse Cabdi Cilmi oo shalay ku geeriyooday shil baabuur.
Aaska Marxuumka oo ay ka qayb galeen dhammaan haldoorka umadda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Dawladda oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Madaxweyne Siilaanyo oo halkaa ka hadlay wuxuu tacsi u diray guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan Ehelkii, qaraabadii iyo bahda Waxbarashada ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Muuse Cabdi Cilmi.
Marxuum Muuse Cabdi Cilmi oo ku geeriyooday shalay Shil Baabuur oo ka dhacay Jidka u dhaxeeya Berbera iyo Hargeisa, waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1946-kii, waxaanu Dugsiga Hoose ku dhigtay Dugsiga Biyo-dhacay ee magaalada Hargeisa, isaga oo Dugsiga dhexena ku qaatay Dugsiga Axmed Gurey ee isla Hargeisa, halka uu Dugsiga sare ku qaatay Dugsiga Cammuud ee magaalada Borama wakhtigaas. Marxuumku wuxuu aqoontiisii Jaamacadeed ku soo qaatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Jaamacaddii Qaranka Soomaalida ee Lafoole.
Allahaa u naxariistee Marxuum Muuse Cabdi Cilmi waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ka noqday Xukuumaddii u horraysay ee Maxamed X. Ibraahim Cigaal, isaga oo imikana ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeisa oo bilihii u dambeeyay uu ahaa.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland