11/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2011
Xaflad lagu soo dhaweynayo Maamul Goboleed Ceel-buur State oo ka dhacdey Magaalada Muqdisho(Sawirro)



Isniin, July 11, 2011 (HOL) – Waxaa maalmahaan dalka gudhiisa iyo dibaddiisa ka socday dhismaha maamul goboleedyo ay sameysanayaan beelaha Soomaaliyeed, iyadoo taasi ay jirto ayaa hoteelka Amabasador ee magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacday xaflad lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay maamul goboleedka Ceel-buur state, waxaana xafladdaas ka qaybgalay odoyaasha dhaqanka beesha Karinle, waxgarad, aqoonyahanno, culumaa’uddiin, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf ka socotay beelaha Somaaliyeed.



Ugu horreyn, waxaa halkaa ka hadlay Cabdulaahi Yuusuf oo ka mid ah Aqoon-yahannadii Soomaaliyeed isagoo sheegay in maamul hoboleedkan uu yahay mid muddo dheer laga soo baaraan-degayay isla markaan ku-dhawaaqiddiisii wax laga weydiiyay bulshada kasoo jeeda deegaanka Ceel-buur. Isagoo intaas ku daray in maamul goboleedkan uu xiriir la sameynayo maamullada kale ee dalka ka jira, sidoo kalena uu deris wanaag kula dhaqmo beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha odoyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan Nabaddoon Max'ud Axmed Xooshow oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay beelaha ku dhaqan gobolka Hiiraan ay soo dhaweynayaan maamul goboleedka Ceel-buur state, wuxuuna kula taliyay in dadka kasoo jeeda Ceel-buur ay u istaagaan sidii dalka nabad iyo dib u heshiisiin ay ugu soo dabbaali lahaayeen.

Intii xafladdu socotay waxaa dadka maaweelinayay baarbaarta gaashaaman oo halkaa kusoo badhigay shirbyo si weyn loogu amaanayay maamulka cusub, waxaa kaloo halkaa ka hadlay nabaddoon Maxamed Cabdi Soomane oo sheegay in degmada Ceelbuur ay astaan u ahayd halgankii xornimadoonka, isagoo sheegay in dadka kasoo jeeda ay u istaagaan sidii beelaha Soomaaliyeed ay u nabadeyn lahaayeen.

Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay guddoomiye ku xigeen odayaasha Beelaha Muqdisho Jimcaale Maxamed Nuur oo sheegay in Ceel-buur xilligii gumeysiga ay xarun u ahayd qaar ka mid ah goboladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in maanta laga doonayo inay horseed u noqoqto nabad kusoo dabaalidda geyiga Soomaaliyeed oo muddo 20-sano ah ay ka jirto xasillooni-darro.

Ugu dambeyn, waxaan xafladda soo xiray guddoomiyaha odyaasha beelaha Muqdisho Maxamed Xasan Xaad oo si weyn ugu dheeraad taariikdii deegaanka Ceel-buur, wuxuuna u soo jeediyay cidda maamulka mas'uulka looga dhigay inay ka shaqeyso sidii ay deris-wanaag ugula noolaan lahaayeen beelaha Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay taasi ku imaan karto wadatashi.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya