1/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2011
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiil ciidan oo u amba baxay dalka Talyaaniga (SAWIRRO)


Arbaco, 26 Janaayo, 2011 (HOL) – Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya, ahna wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Max'ud Xaaji Fiqi iyo saraakiil ciidan ayaa maanta u ambabaxay dalka Talyaaniga.

Saraakiisha safarka ku wehlinaysay wasiirka difaaca Soomaaliya, ayaa waxay kala yihiin: taliyaha ciidanka nabad-sugida Jen. Maxamed Sheekh Xasan, Jen. Maxamed Sheekh Madoobe, Jen. Muuse Xasan iyo Jen. Maxamed Aadan Biixi, waxaana la filayaa in wafdigan ay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaataan saraakiisha ugu sareysa wasaaradda gaashaandhigga dalkaas iyo xubno ka tirsan xukuumada Talyaaniga.


Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin garoonka diyaaadaha Muqdisho, wuxuu hadal kooban siiyay saxaafadda, isagoo sheegay in kulammada ay uga qaybgalayaan Talyaaniga ay qayb ka yihiin booqashadii uu dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tagay Talyaaniga.

Wasiirku, wuxuu sheegay in qodobbada looga hadli doono ay ka mid noqonayaan sidii dowladda Talyaaniga ay u meelmarin lahayd balan-qaadyadii ay dowladda Soomaaliya u fidisay.

Xukuumada Talyaaniga, ayuu ku ammaanay sida ay u doonayso inay ku taageerto dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed dadaalladeeda ku wajahan soo celinta nidaamkii iyo kala dambeyntii dalka.

Dowladda Soomaaliya, ayaa kaga sugan Muqdisho qaybo yar, waxaana ay dagaal kula jirtaa Xarrakatul Shabaab oo ka talisa inta badan Muqdisho iyo gobollada koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya