12/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2011
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo gargaar kala duwan u qaybisay boqolaal qoys oo Muqdisho ku nool (SAWIRRO)


Arbaco, 12 Janaayo, 2011 (HOL) − Shirkadda isgaariinta Hormuud Telecom, ayaa gargaar isugu jiray rasahi iyo lacago shalay oo Talaado ahayd u qaybisay boqolaal qoys, oo ku kala nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkadda Hormuud, oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiineed ee Soomaaliya, ayaa gargaarka ay qaybisay wuxuu daahfur u yahay sida ay mas'uuliyiinteedu sheegeen mashruuc lagu taakuleynayo dadka ku nool gobollada Soomaaliya ee ay abaaruhu ku dhufteen.

"Guddiga gurmadka abaaraha shirkadda Hormuud, waxay sameeyeen qiimeyn badan, waxayna go’aansadeen inay deeq bixinta laga bilaabo meelaha ugu daran ee saameynta ay ku yeesheen abaaraha iyo sidoo kale meelaha ay dadku ku dhibateysan yihiin ee ku yaala magaalada Muqdisho, sida: isbitaallada iyo xeryaha qaxootiga," ayuu yiri afhayeenka guddiga gurmadka abaaraha shirkadda Hormuud Muuse Axmed Nuur.

Qoysaska, deeqda la gaarsiiyay oo tiradoodu ahayd 700-qoys, ayaa waxaa haystay duruufo adag oo xagga nolasha ah, iyadoo in badan oo qoysaskaas ka mid ah ay kusoo qaxeen dad eheladooda ah oo abaaraha ay kusoo aafeeyeen gobollada dalka Soomaaliya.

"Ruux walba oo ka mid ah, dadkii maanta deeqda la siiyay waxaa la gudoonsiinayay 25-kiilo oo bariis ah, caag saliid ah iyo lacag dhan 300,000 shillin Soomaali ah," ayuu yiri afhayeenka guddiga abaaraha ee shirkadda Hormuud.

Mas’uuliyiin shirkadda isgaasiinta Hormuud, oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu qaybinayay gargaarka, ayaa sheegay in mashuucaani uu billow u yahay qorshe ballaaraan oo shirkaddu ay ku doonayso in loogu gurmado dadka ay abaaruhu ku saameeyeen inta badan gobollada dalka Soomaaliya.

Afhayeenka shirkadda, ayaa sidoo kale sheegay in gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, guud ahaan ay ka bilaabeen deeq-qaybinta, wuxuuna tilmaamay inay mudnaanta siin doonaan deegaaanada iyo gobollada ugu daran ee abaaruhu ay saameynta ku yeesheen.

"Aad baan, ugu faraxsannahay gargaarka aan ka helnay shirkadda Hormuud, waayo waxay nasoo gaarsiisay xilli aan baahi weyn u qabnay," ayay tiri hooyo ku nool degmada Kaaraan oo sheegtay inay haysato sagaal caruura ah.

Xubno ka tirsan qoysaskii gargaarka la gaarsiiyay, ayaa iyaguna uga mahadceliyay shirkadda, waxaana qaarkood ay sheegeen inay ahayd deeq aysan filayn, ayna ka codsanayaan dhammaan gancsatada Soomaaliyeed inay sidan oo kale gargaar ula soo gaaraan.

Shirkadda isgaariinta Hormuud Telecom, oo ka mid ah shirkadaha isgaariineed ee Soomaaliya, ayaa horay uga qaybqaadatay gurmad loo sameeyay Soomaali, ay ku deegaanadooda ku fataheen biyo sannadki 2006, xilligaasoo ay kaalmooyin kala u qaybiyeen dadkaas.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya