12/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 13, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Naafada Ciidanka Xoogga Dalka soo xusuusiyay Saxiixii ay Mushaarka ku qaadan jireen (SAWIRRO)


Axad, February 13, 2011(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa galabta ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Xarunta Naafada Ciidankii xoogga Dalka Soomaailyeed ee Isbitaal Martiini taasoo mushaar lagu siinayay Ciidankaasi Naafada ah.

Sidoo kale, munaasabadan waxaa joogay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahra Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Abuukar Daahir Cismaan iyo saraakiisha Ciidanka Xooga.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa yiri “Waxaa maanta farxad weyn inoo ah in Ra’iisul Wasaaraha iyo anigoo ah Wasiirkii Gaashaandhigga aan xaruntiina idinku soo booqano haddii aad tihiin Naafadii Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, taasina waxay ka turjumeysaa ahmiyadda weyn ee Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Mudane Farmaajo ay siineyso taakuleynta iyo daryeelka iyo dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, si loo sugo tiirarka dowlad-nimada, loona xoojiyo amniga, kala dambeynta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Fiqi oo intaas ku daray in xukuumaddu aaney marna ilaawi doonin ciidankii difaaca Qaranka Soomaaliyeed xubnohooda ku waayay.


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna la hadlay Naafada ayaa sheegay inuu ugu horreyntii u mahadcelinayo golihiisa Wasiirada oo uu sheegay in dhamaantood ay la qabaan fikradda ah in ahmiyadda koowaad la siiyo dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka iyo daryeelkooda.

“Muhiimada koowaad waxa weeye inaan ugu horreyn taakuleyno ciidankii ku naafoobay dagaaladii 77 taasoo jawaab u ah marka aan idin taakuleyno kuwa haatan habeen iyo maalin furimaha dagaalka ku jira ee caddowga ka horjeeda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Naafada xoogu ay mudan yihiin xusuus gaar ah.

“Waxaan ballanqaadnay dowladdan cusub iyo madaxweynaha dalka inaan muhiimad gaar ah siinno ciidamada, sababtoo ah iyagaa ammaanka soo celin kara, Amnigii marka la helana Qarannimadii ayaa soo noqoneysa” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  oo xusay in dhibaatadu ay ka taagneyd in xukuumadihii wadanka soo maray ay xaqiri jireen mudnaanta ciidanka Qaranka.


“Dhibaatadu waxay ka taagneyd in la xaqiro ama aan la tixgelin ciidanka sidoo kalena aan la tixgelin lana daryeelin ciidankii u naafoobay dalkooda, adinka oo aan la idin tixgelinna wax hagaagi kara ma jiraan, maxaa yeelay ciidanka hadda jooga idinkaa tusaale u ah” ayuu mar kale yiri Mr. Farmaajo.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu u sheegay Naafada Ciidanka xoogga dalka in galabta hortiisa lagu siin doono mushaarkii ugu horreeyay ee xukuumaddiisu siiso Naafada Xoogga, isagoo yiri “Insha allahu waxaan rajeynayaa in aysan noqon bishii ugu dambeysay oo aad mushaarkan qaadataan, waxaana rajeynayaa in bil kasta aad qaadataan” ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo noqday Ra'iisal Wasaarihii ugu horreeyay oo Xarunta ay Muqdisho ku degan yihiin ku booqda Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka mushaarka loo bilaabay maanta ayay tiradoodu dhammeyd 97 ruux oo hadda ka nool Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo intooda badani ay ku socdeen Kursiga lugaha leh ee ay dadka naafada ah ay isticmaalaan, halka kuwa kalena ay biro ku boodayeen, waxaana jiray 250 kale oo ka tirsan Naafada oo degan qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in tallaabada xigtana ay mushaar siin doontaan ciidanka ku dhaawacmay ama ku naafoobay dagaallada haatan ay dowladdu Federaalku kula jirto kooxaha Nabad iyo dowlad-diidka ah.




Garaad Salaad Xirsi
[email protected]