4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Shir looga soo horjeeday dilal qorsheysan ee loo geysto waxgaradka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Gobolka Arizona (SAWIRRO)


Talaado, December 27, 2011(HOL): Munaasabada oo ka dhadcay Magaalada Phoenix Arizona ee Dalka Mareykanka oo ay ka qeybgaleen Mas'uuliyiin ka socotay Jaaliyadaha Gobalka  iyo weliba mas'uuliyiin kale oo ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka,  Saxaafadda qeybaheeda kala duwan ayaa lagu cambareyaay dilalka gaadmada ah ee loo geysta Culuma'udiinka, Aqooyahannada, waxgaradka iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Mas'uuliyiintii munaasabaddaas ka hadlay waxay dhamaantood cambareyeen Dilalka Foosha xun ee loo geysto dadka aan waxba galabsan ee ku noool deganada Gobalada Puntland iyo Koonfurta Soomaaliyaba .

Dhanka kale waxaa baaq wadajir ah loo jediyaay Maamullada Soomaalida sida Puntland, Somaliland, Ahlusunna Waljamaaca, Galmudug iyo Dowladda Soomaaliya sidii ay uga hortegi lahayeen dilalka nocaas ah ee lagu gumaadayo dadka waxgalka ah.
 

Waxaa Munasabadda ka hadlay Prof. Maxamed Cali Abukar Wasiirkii Beeraha ee Dolwadii Maxamed Siyad Bare ahne Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Gobalka Arizona, wuxuuna xusay in ay tahay wax laga xumaado dilalka iyo  dagaallada intaba ka socda gudaha Soomaaliya isagoo sidoo kale taabtay in ay muhiim tahay ammaanka in la adkeeyo deegannada Maamullada ay ka jiraan si aay dadka ku nool u helaan Nabad waarta.

Sidoo kale waxaa hadal kooban ka jeediyaay Oday dhaqameed Jaamac Ciise, wuxuuna sheegay in uu ka xun yahay wixii ka dhacay Soomaaliya oo dhan gaar ahaan dadka ay abaaruhu ku habsadeen  walina lagu sii kor dagaallamayo iyo in la helo Dowlad ka shaqeysa baaritaanka dilaalka qorsheysan ee loo geysto dadka aan wax galabsan.

Ugu dambeyntiina waxaa xafladda ka hadlay Dr. Maxamed Jaamac oo sheegay in uu qaabkani oo kale uu yahay mid mudan ku dayasho mudan oo dhamaanna looga baahan yahay Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool Wadanka Mareykan si looga soo horjeesta dhibaatooyinka is-daba joogga ah ee malin walba ka dhacaya Gudaha Soomaaliya, lana gargaaro dadka ay abaaruhu aafeeyeen,  waxaana kulankan intii uu socday heeso nabadda iyo wadaniyadda ka hadlayay ka qaaday goobta Fannaanka Najiib Faarax Saciid.













Cabdiraxman D. Nur Hiiraan Online
[email protected]
Phoenix, Arizona, USA