4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Cabsida laga qabo in ay xirmaan xawaaladaha Soomaalida ee Gobolka Minnesota oo sii korortay


Talaado, December 27, 2011(HOL): Cabsida ah in ay xirmaan xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa ah mid taagneyd mudooyinkii ugu dambeeyey, hasa ahaate waxaa ay cirka isku sii shareertay kadib markii bangigii horay ugu dhawaaqay in uu joojinayo adeegyada uu u sameeyo xawaaladaha uu sii adkeeyey go’aankiisi, waxaana warqad qoraal ah oo uu bangigaan jimcadii u soo diray xarumaha xawaaladaha uu ku sheegay in aysan wali waxba iska badalin go’aankiisi uu horay u gaaray, isla mar ahaantaasina uu si kama dambeys ah u xiri doono guud ahaan xisaabadkooda 30-ka bishaan December.

Garaad Khaliif, oo xubin ka ah gudi ay xawaaladuhu ku midaysan yihiin oo la hadlay Hiiraan online, ayaa ku tilmaamay go’aanka kama dambeysta ah ee bangigu qaatay in uu yahay mid laga xumaado, islamar ahaantaasina niyad jab ku ah dadaalkii iyo wada hadaladii la waday mudooyinkii ugu dambeeyey ee u dhexeeyey iyaga iyo bangiga.

"Runtii arintaan waa wax laga xumaado mana aanan filayn, hase ahaatee waa mid si guud iyo gaar ahaanneedba noo taabanaysa. Labadii istuuc ee la soo dhaafay waxaan wadnay dadaalo isdaba joog ah kuwaasi oo aan ku doonaynay in aan xal ku helno, laakiin illaa iyo hada waxba nooba suuroobin", ayuu yiri Garaad Khaliif.

Bangigaan, waxaa uu ahaa midka kaliya ee sadexdii sano ee la soo dhaafay ay isticmaalayeen xawaaladaha Soomaalida ee ka furan gobolka Minnesota, waxaana isagoo ka cabsi qaba in uu saameeyo sharciga Mareykanka ee maalgalinta argagixisada uu ku dhawaaqay horaantii bishaan in uu guud ahaan joojinayo adeegyada uu u sameeyo xawaaladaha Soomaalida, islamar ahaantaasina uu xirayo guud ahaan xisaabadkooda.

Tan iyo markii bangigu uu go’aankaasi qaatay ayaa waxaa qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota, sida hor-joogeyaasha bulshada, madaxda xawaaladaha ee ay arintu saamaysay iyo waliba sharci yaqaanadu, ay bilaabeen dadaal iyo juhdi farabadan marxalada lagu xalilayo. Waxaana ay kulamo la qaateen qeybaha dowladda sida wasaaradda lacagta iyo madaxda laga soo doorto gobolka si ay uga dhaadhiciyaan saameynta ay arintani yeelankarto iyo sida loogu baahan yahay in wax looga qabto, hase ahaatee ma muuqato ilaa hada wax miro-dhal ah oo ka soo baxay kulamadaasi.

Xasan Warsame, oo dhinaca sharciga kala taliya xawaaladaha Soomaalida ayaa ku saleynaya xal u helid la’aanta dhibaatada, cabsi guud oo laga qabo Soomaaliya iyo halka ay tagayaan lacagaha wadanka Mareykanka ka baxaya ee ay xawaaladuhu gudbinayaan.

"Bangigi, ma oranayo xawaaladuhu sharciga wadanka ayey jabiyeen, dowladduna ma oranayso, ee waa cabsi guud oo laga qabo Soomaaliya, ha noqoto Al-Shabab ama burcad badeedda," ayuu yiri Xasan Warsame.

DHEGEYSO WAREYSIGA XASAN WARSAME
Waxaa Wareystay: Maxamed Faarax Talyaani

Haddii ay guud ahaan xirmaan Xawaaladaha ka furan wadanka Mareykanka waxaa ay saameyn ku yeelan doontaa kumanaan qoysas Soomaaliyeed oo ku dhaqan gudaha wadanka, kuwaasi oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd dhaqaalaha yar ee ay u soo diri-jireen xubnaha qoyskooda ee dibada ku soo maqan.

Burhaan Rooble, oo ah Aabbe Soomaaliyeed oo xili ay HOL la Kulantay ku jiray mid ka mid ah xarumaha xawaaladaha, ayaa sheegey in sadex caruur ah oo uu dhalay iyo hooyadood oo uga soo tagay Soomaaliya uu haatan u sii xawilayo lacagtii uu diri lahaa bisha soo socota, si noloshooda ay ugu sii maareeyaan, isagoo ka cabsi qaba in ay xirmaan xawaaladaha oo ah dariiqa kaliya ee Burhaan uu wax ku gaarsiin jiray qoyskiisa.

"Aad iyo aad ayaan uga xumahay in ay xirmaan, waana ka naxay markii aan maqlay warkaasi. Lacagtaan waa tii aan diri lahaa bisha soo socota, maadaama anan garan karin sida xaalku noqon doono," ayuu yiri Xasan.

Qurba joogta Soomaalida ee dhaqan Mareykanka ayaa waxaa sanad waliba ay dib gudaha Soomaaliya ugu diraan ilaa 100 milyan oo doolarka Mareykanka ah, taasi ay ku caawinayaan dadkii ay ka soo tageen.Waxaana Xasan Warsame oo Dhinaca sharciga kala taliya xawaaladaha uu qabaa in haddii lacagtaasi ay bixi weydo dhibaatada hada ka jirta Soomaaliya ay ka sii dari karto.

"Haddii lacagaasi ay istaagaan waxaa laga yaabaa in ay sii kordhiso dhibaatada ka jirta Soomaaliya sida macaluusha,abaaraha iyo nabad galyo darida, waxaana danta guud ay ku jirtaa in lacagaasi ay baxaan oo ay gaaraan dadkii loogu talo galay," ayuu yiri Xasan Warsame.

Hay’adda Oxfam, ee ka shaqaysa dhinaca xaquuqda aadanaha oo dhawaan arintaan ka hadashay ayaa ku tilmaantay waqtigii ugu xumaa haddii ay istaagaan adeegyada xawaaladaha, maadaama wali dalka Soomaaliya ay jirto macaluul ba’an, qoysas badanna ay noloshoodu halis sii gali karto.
 
Maxamed Faarax (Talyaani)
Minneapolis, Minnesota