4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Qarax ay ku dhinteen Askar ka tirsan ciidamada Ammaanka Puntland oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Puntland

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Ugu yaraan saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal ka tirsan ciidamada miino-baarista ee Puntland ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxan oo ahaa mid ka dhashay miino ayaa la sheegay inuu qarxay iyadoo ay isku dayayaan ciidamada ku dhintay qaraxa inay halkaas ka bixiyaan, iyadoo qaraxan la dhigay jidka aada xarunta madaxtooyada Puntland oo ka mid ah goobaha la filayo inuu booqdo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sarkaalka ku dhintay miinada ayaa lagu magacaabi jiray, Muuse Cismaan Maxamuud inkastoo aysan maamulka Puntland weli ka hadlin qaraxaas, waxaana miinooyin kale laga saaray saakay aroortii hore bartamaha boosaaso.

Ma jirto cid loo qabtay miinooyinka lagu aasay Boosaaso, iyadoo qaraxan miino uu yimid xilli ay ciidamada Puntland adkeeyeen ammaanka magaaladaas oo uu ku sugan yahay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu ka mid yahay madaxweynaha Puntland, Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole.

Dhanka kale, magaalada Boosaaso ee xarunta Puntland ayaa lagu dilay 24-kii saac ee ugu dabeeyay laba qof oo rayid ah, kuwaasoo aan la ogeyn sababta loo dilay, sidoo kalena kooxihii dilkooda ka dambeeyay ay baxsadeen.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay iyadoo aan la ogeyn inta maalmood ee uu qaadanayo safarkiisa Boosaaso, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo uu Dr. C/weli Gaas uu booqdo magaaladaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya