4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Dowladda Kenya oo sheegtay inay duqeyn diyaaradeed ku dishay 200 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay 200-dagaalayahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dishay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay habeenkii Axadda ay u geysteen degmada Badhaadhe iyo deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubbada hoose.

Warar laga soo xigtay sirdoonka dalka Kenya ayaa lagu sheegay in labada magaalo ay Al-shabaab ka diyaarinaysay dagaal ay ku qaadaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ee ku sugan gobolkaas.

"Weerarku wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay Kenya ku disho boqolaal Xarakada Al-shabaab ka tirsan," ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada dalka Kenya oo aan magaciisa la xusin.

Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in Al-shabaab ay doonaysay inay weerarka geysato xilli ay socdeen dabaabdagyo lagu xusayay Chrismas-ka oo laga xuso dunida 25-ka December sannad walba.

Xukuumada Kenya sheegtay in ciidamada badda dalkeeda aysan ka qaybqaadan duqeynta lagu dilay boqolaalka dagaalyahan ee ka tirsan Al-shabaab. Iyadoo intaas ku dartay in ciidamadeeda badda ee ku sugan badweynta Hindiya ay heegan buuxa ku jiraan.

Ma jiro hadal ku saabsan sheegashada Kenya oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab, iyadoo la xusuusto in diyaaradaha Kenya ay duqeymo u geystay dhowr degmo oo ku yaalla Gobolada Jubooyinka iyo Gedo tan iyo markii ay soo galeen gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, ma jiraan warar ka madaxbannaan Kenya oo xaqiijinaya duqeynta la sheegay inay ku dhinteen 200-dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya