4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Xaalad nolal xumo oo la soo daristay caruurta ka tirsan qoysaska dan’yarta ah ee ku jira xeryaha barakacayaasha Beledweyne

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Xaaladda qoysaska dan-yarta ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha Beledweyne oo markii horeba iska ahayd mid liidata ayaa hadda la oran karaa waxaa dhibaatadii ugu darnayd ay soo food-saartay caruurta da’doodu ka yar tahay yar tahay shan sano ee ku nool xeryahaas.

Caruurtan oo marka aad muuqaal ahaan eegto ah kuwo aad jilicsan, islamarkaana ay soo food saareen xaalado nafaqo darro, ayaa waxaa wal wal xoogan laga muujinayaa nolashooda maadaama aysan heysan daryeelkii loo baahaa.

Mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan qoysaskan dan’yarta ah oo ay HOL booqatay ayeey kula kulantay caruur iska hoos jiifta guryaha cooshadaha ka sameysan ee ku yaala gudaha xerada oo ka sokow cudurada kala duwan ee la soo darsay ay uga sii darran tahay xaalada nadaafad xumo ee ka jirta gudaha xerada.

"Habeen iyo maalin sidan ayaan u kor fadhiyaan, meel aan ka aadi karo malaha, kuwii kalana wax ay cunaan ayeey iga sugayaan oo waa kuwan hareeraheyga fadhiya ayeey tiri,’’ hooyo ka mid ah qoysaska dan’yarta ee ku jirta xerada taasoo xiligaa kor fadhisa ilmo yar oo ay dhashay oo aad u xanuusanaya.

Dhibaatada ugu xooga badan ee ka jirta gudaha xeryaha islamarkaana sii xuumeynaya xaalada caafimaad ayaa ah dhinaca sixida ama nadaafada oo ah mid aan hagaagsaneyn, maadaama aysan laheyn masqulo ay dadku isticmaalaan.

"Halkan dhibaato xoog leh ayaa ka jirta, musuqlo malaha, biyo nadiif ah ma heystaan, nadaafada dadka iyo xeryaha intaba ma’aha mid hagaagsan, sidaa daraadeed waa qasab in ay cuduro ka dhashaan, mana aragno cid arintan naga caawineysam," ayay tiri mid ka mid ah haweenka horjoogayaasha ah ee maamula xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacyaasha ah.

Cudurada ugu darran ee la soo darsay caruurtay qoysaska dan’yarta ah waxaa ka mid ah Shub-ka iyo waliba Malaariyada oo ah kuwa ugu darran ee hadda ka jira gudaha xeryaha barakacayaasha Beledweyne ku nool, mana heli karaan daryeelkii caafimaad ee loo baahaa.

"Markii hore mar marka qaar hay’addaha samafalka ayaa laga heli jiray wax xoogaa dawo ah, laakiin bilihii ugu danbeeyay maba jirin wax hay’ad ah oo dadkan xitaa soo booqatay,’’ ayeey mar kale sheegtay mid ka mid ah haweenka horjoogayaasha u ah xeryaha ay ku nool yihiin dadkaasi dhibaateysan.

Qoysaskan ayaa ka codsadanaya hay’addaha wali ku sii harsan gobollka, iyo Jaaliyadaha dibada intaba in ay soo gargaar u fidiyaan, maadaama ay la soo darseen xaalado aad u qalafsan oo dhinaca nolasha ah.

Hiiraan News Disk