4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Dagaal Ciidamada DKMG, Kenya iyo Al shabaab oo ku dhexmaray deegaanka Buurgaabo ee Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu xalay, ilaa shalay galab uu ka soconayay deegaanka Jazriidda Buurgaabo ee koonfurta gobbolka Jubada hoose kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kenya ee isgarabsanaya iyo Alshabab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kagadaal markii xoogaga Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariismo ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ku lahaayeen deegaanka Buurgaabo, waxaana halkaasi ka qarxay dagaal aad u culus.

Qasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaalamaya ayaa la sheegay in uu yahay mid aad u balaaran wallow aan la hubin tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay.

Xoogaga Alshabaab ayaa mudooyinkii u danbeeyay dhaqdhaqaaqyo ka waday gobolka J/hoose, iyadoona marar badan ay weeraro gaadmo ah ku qaadeen fariisimaha ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanada ay ku suganyihiin ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya