4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo dadaal ugu jira sidii uu u dhexdhexaadin lahaa Xildhibaannada Baarlamaanka

 
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dadaal ugu jira sidii uu u dhexdhexaadin lahaa xildhibaannada baarlamaanka oo uu u dhexeeyo khilaaf ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyaha abarlamaanka Shariif Xasan.

Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan la yeesho xildhibaannadii horay xilka uga qaaday, kulankan oo daba socda mid uu shalay kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo aysan wax natiijo ah kasoo bixin.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu isku dadayo inuu xildhibaannadii xilka ka qaaday Shariif Xasan uu ku qanciyo inay ka laabtaan go'aankooda, taasoo la sheegay inay xildhibaannadu diidan yihiin.

Xildhibaannada xilka ka qaaday Shariif Xasan ayaa waxay ku adkeysanayaan in go'aankooda uu yahay mid waafaqsan sharciga, iyagoo magacaabay guddi doorasho oo ka shaqeeya doorashada guddoomiyaha cusub.

Dhanka kele, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa weli ku adkeysanay inuu isagu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee baarlamaanka, wuxuuna xildhibaannada xilka ka qaaday uu ku sheegay kuwo fowdiistayaal oo kasoo horjeeda heshiisyadii la gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku dayaya inuu meesha ka saaro khilaafyadan iyo muranka u dhexeeya xildhibaannada iyo guddoomiyaha baarlmaanka, balse lama oga sida ay suurogal ku noqon karaan, iyadoo labada dhinac ay kala taagan yihiin laba mowqif oo kala fog.

Warsaxaafadeed uu madaxweynuhu kaga hadlay khilaafkan ayuu ku sheegay inuusan ahayn mid ku cusub dowladda balse lagu dag-dagay, isagoo iska ilaalinayay inuu si toos ah uga hadlo khilaafka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya