12/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 18, 2011
Finalka Tartanka gobolada Somaliland oo galabta ay wadda ciyaari doonaan gobolka Maroodi Jeex iyo gobolka Hawd
Axad, December 18, 2011 (HOL)- Waxa galabta ciyaar aad u xiiso badani dhexmaraysaa labada xul ee gobolka Maroodi Jeex (Hargeysa) iyo Xulka Gobolka Hawd oo iskugu soo hadhay finalka tartanka gobolada Somaliland. 

Labadan gobol ayaa hore isku soo arkay kuna wadda jiray Kooxda A, waxana laba iyo eber ku badiyey xulka gobolka Maroodi-jeex, haseyeeshee  gobolka Hawd ayaa Kooxda 1 kaga soo baxay ka dib markii uu soo guulaystay laba ciyaarood oo uu sitay 6 dhibcood, halka Maroodi-jeex ay ciyaarna badiyeen, labana barbardhac galeen waxaanay wateen 5 dhibcood.

Labadan gobol ayaa ay adag tahay sida loo saadaalayaa, maadama oo gobolka Hawdna ka cadhaysan yahay ciyaartii hore ee ay Maroodi jeex ka badisay, halka Gobolka Maroodi jeexna doonayo inuu mar kale guuldaro bado oo uu koobka gobolada qaado. 

ciyaaro.jpg

Ciyaartan galabta dhacaysa oo labduba marti ku yihiin garoonka kubadda Cagta ee Alamzy ee gobolka Togdheer xaruntiisa magaaladda Burco, ayaa la dhowri doonaa taageerayaasha reer Burco cida ay taageeri doonaan, iyagoo inta badan labaddan gobol ka soo horjeedeen ciyaarahoodii hore, maadaama oo gobolka Hawd uu tartanka ka reebay xulka gobolka Togdheer u ciyaarayey, isla markaana gobolka Maroodi jeex uu barbar dhac ka dhigay ciyaartii gobolka Togdheer la ciyaarayey ee Tartanka lagu furay, taasina ay noqotay in ay gobolka Togdheer noqdo gobolkii ugu horeeyey ee Tartanka ka hadha.

Labadan gobol waxay ka soo badiyeen oo ay afarta kooxood ama semifinalka wadda ciyaaray gobolka Maroodi Jeex iyo Sool, gobolka Hawd iyo Awdal, waxaana halkaasi guushu ku raacday oo finalka iskugu soo hadhay labdan gobol ee galabta ciyaaraya Maroodi Jeex iyo Hawd.

Dhinaca kale waxa iyana shalay soo dhamaaday tartankii kubadda Kolayga oo ay iskugu soo hadheen gobolka Maroodi Jeex iyo gobolka Hawd, waxaana Gobolka  Maroodi jeex ku badiyey 61 dhibcood, halka gobolka Hawdna keenay 45 dhibcood, sidaasna uu guushu ku raacday gobolka Maroodi Jeex.

Tartanka Orodkana waxa guul weyn soo hooyey gobolka Maroodi jeex ka dib markii toddobadii qof ee ugu horeeyey noqdeen gobolkan Maroodi jeex oo halkaasi guushu ku raacday tartankii Orodka. 

ciyaaro2.jpg

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.