SHEEKH CALI DHEERE: "Kenya haddii loo bixiyo Magaca AMISOM waan la dagaalamaynaa inta ay ku jirto dhulkeenna"
Axad, December 11, 2011 (HOL) − Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id ku qabtay deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho gallinkii dambe ee shalay oo Sabti ahayd ayaa sheegay inay la dagaalamayaan ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Sheekh Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka Soomaalida inay ka qayb-qaataan dagaalka lagula jiro ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho ku sugan, isgaoo sheegay in magacyada la badalayo aan lagu kadsoomin.
"Maxay ka badalaysaa hadafkii Kenya haddii loo bixiyo AMISOM, waxaan leennahay Kenya waan idinla dagaalamaynaa haddii aad magaca badalataan iyo haddii kale, waxaana haysataan fursad ah inaan dalka ka baxdaan si aad dagaalkeenna uga badbaadaan, haddii kale waan idila dagaalamaymaa," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in magaca laga bedelay Kenya uu yahay qorshe gumeysi oo Soomaalida ka dhan ah, isagoo xusay inuusan magaca wax macno ah sameynayn. Wuxuuna cambaareeyay booqashadii Ban Ki-Moon uu ku yimid Muqdisho, taasoo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay qorshaha gumeysi ee Soomaaliya.
"Haddii hilib doofaar loo bixiyo hilib ari ma xalaaloobayo, Kenya magaca laga bedelayna waa sidaas oo kale," ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo sheegay in Kenya ay duqeymo ka geystay gobollada Koonfurta Soomaaliya, balse hadafkii ay ka lahayd aysan ku guuleysan.
Dowladda Kenya ayaa waxay kumannaan askarteeda ka tirsan kasoo talaabisay soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya bishii Oktoobar ee sannadkan, iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso Al-shabaab oo culeys ammaan ku haysa.
Golaha wasiirrada iyo baarlamaanka dalka Kenya ayaa toddobaadkii hore isku raacay in ciidamadooda ku sugan Ssoomaaliya ay ka mid noqdaan ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugna Soomaaliya, si ay qayb uga qaataan dagaalka lagula jiro AMISOM.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya