Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in Gobolka Shabeellada hoose lagu qabtay raashin dhacay oo ay keentay ICRC
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay ku qabteen gobolka Shabeellada hoose raashin dhacay oo ay sheegeen inay keentay hay'adda ICRC oo ka mid ah ha'yadaha weli ka howglala gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya ee ay ka taliyaan.
Raashinka dhacay oo lagu soo bandhigay garoonka KM-50 ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa halkaas kula hadlay saxaafadda mas'uuliyiin ka tirsan Al-shabaab iyo mas'uul sare oo ka tirsan hay'adda ICRC.
"Hay'adda ICRC waxay raalligelin ka bixinaysaa raashinka dhacay, waxaana dambiga iska leh ganacsatadii laga soo iibiyay," ayuu yiri Nuur Siciid Cabdulle oo mas'uulka u hadlay hay'adda laaqayrta cas.
Mas'uulku oo la hadlayay idaacadaha ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegay in khaladkan uu dhacay balse ay ka fiirsan doonaan, isagoo xusay in hay'addu aysan diyaar u ahayn inay dadka masaakiinta ah siiso raashin dhacay iyo wax walba oo dhibaato ku keeni kara.
Hay'adda ICRC ayaa waxay ka mid tahay hay'adaha weli ka howlgala gobollada ay ka taliso Al-shabaab, iyadoo dhawaan 16-hay'adood oo gobolladaas ka howgeli jiray ay shaqada ka joojisay Al-shabaab, iyagoo ku eedeeyay jaajuusnimo iyo inaysan raalli ka ahayn maamulllada Al-shabaab.
Waaliga gobolka Shabeellada hoose ee Al-shabaab, Sheekh Max'ed Abuu-Cabdalla oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay aqbaleen cudur-daarka ICRC, wuxuuse sheegay inay wax lala yaabo tahay in dadka Soomaaliyeed la sumeeyo.
Sheekh Suldaan Aala Maxamed oo ka tirsan saraakiisha guddiga abaaraha ee Al-shabaab ayaa ka sheegay halka lagu soo bandhigay raashinka dhacay inaysan u dulqaadan doonin in dadka masaakiibta ah la siiyo raashin dhacay.
Xarakada Al-shabaab ayaa ka talisa gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyadoo raashinka dhacay ee lasoo bandhigay oo ay soo qabteen xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu gubay goob fagaare ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya