10/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2011
Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya oo maanta si isku mid ah looga ciidayo (SAWIRRO)


Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Shacabka ku nool magaalada Muqdisho iyo gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta si isku mid ah u ciidaya, kaddib markii dowladda KMG ah iyo xoogagga Al-shabaab oo ka taliya deegaannadaas ay ku dhawaaqeen inay maanta tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal.

Boqolaal kun oo dad ah ayaa isugu soo baxay degmooyinka magaalada Muqdisho oo ay inta badan gacanta ku hayso DKMG ah, iyadoo deegaannada loo barakacay ay iyaduna isugu soo baxeen dadweyne fara badan oo soo dhaweynaya maalinta ciidda.

Masaajiddo waaweyn iyo kuwo yaryar ayaa lagu tukaday Muqdisho kuwaasoo ay ka mid ahaayeen masaajidka Isbahaysiga Islaamka iyo masjidka Marwaas, waxaana lagu arkayay waddooyinka caruur dhar qurxoon xiran oo u dabaaldagaya maalinta qiimaha badan ee Ciidul-fidriga.

Deegaanada loo barakacay oo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab iyo gobollada Koonfureed ayaa si weyn iyagana looga xusay maalinta ciidda iyadoo ay isugu soo baxeen kumannaan qof, waxaana deegaannada loo barkacay lagu tukaday laba goobood oo kala ah: calamada iyo KM-13, halkaasoo saraakiil ka tirsan xarakada Al-shabaab ay kula hadleen dadweynihii salaadda tukaday.

Gobollada Koonfureed oo ay ka jirto abaar daran ayaa waxaa dadka ku harsan ay u dabaaldagayaan maalinta ciidda, waxaana degmooyinka, Baydhabo, Xudur iyo Marko isugu soo baxay dadweyne fara badan si ay ciidda u xusaan.

Caruurta oo farxad gooni ah ay u leedahay maanta oo kale ayaa waxay isugu soo baxeen deegaannada laga ciidado, iyadoo ay jirto in deegaannada ay ka taliso Ahlusunna ee gobolka Galguduud aysan maanta ka jirin wax ciid ah.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya