12/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2011
Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee G. Shabeelaha Hoose

10 qofood ayaa ku dhintay 15 kalana dhaawac culus ayaa ka soo gaaray, ka dib markii gaari ay saarnaayeen ku gadoomay agagaarka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Gaarigan ee uu noociisu ahaa UD ayaa ka mid ahaa gaadiika u kala goosha magaalooyinka Baydhaba iyo Muqdisho.

Gaarigan ayaa dadka saarana waxay ahaayeen dad bara-kacayaal ah oo ka soo cararayey abaaraha ka jira koonfurta Soomaaliya. isitaalka dagmada wala weeyn ee gobolka shabeelaha halkaas  oo ay ku haysato dhibato dhinaca caafimaadka aya doo 5 ti kalane lagu doogay dagmada.

Dadkii uu dhaawaca ka soo gaaray shilkaan ayaa la dhigay isbitaalka degmada Wanlaweyn. Dhaqaatiirta ku sugan isbitaalka degmada Wanlaweyn ayaa  in dhibaato weyn ka haysto daaweynta dadkan ku soo dhaawacmay shilka sababo la xiriira daawo la'aan. Waxayna codsadeen in lala soo gaaro gar-gaar deg-deg maadaama aanan dhaawacyadooda halkaan waxba looga qaban karin.

Waa markii ugu horeysay ee shil noocan ku dhaco dad bara-kacayaal ah oo ka soo hayaamay gobolada Bay iyo Bokool. Wadada isku xirta magaalooyinka Bay iyo Muqdisho ayaa ah waddo wanaagsan oo shilalka ay ku yaryihiin. Ilaa iyo haddana ma cadda sababta dhalisay shilkan.

Waxaa warkaan iyo sawiradaba noo soo diray
Maxamed Cismaan Makaraan