10/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2011
MADAXWEYNE SHIIKH SHARIIF: “Ciddii isku dayda in ay dalka fowdo ku celiso waxaa loola dhaqmi doonaa sidii Al-Shabaab oo kale”=SHIR JARAA'ID=

Madaxweynaha Soomaaliya- Shiikh Shariif
Axad, August 14, 2011(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan ka bixitaankii Muqdisho ee Al-Shabaab, Nadaafadda, Dhul dan guud ah oo ay dad si gaar ah u heystaan, gargaarka bani’aadannimada oo la boobo, suurtagalnimada in ay hoggaamiye kooxeedyadii soo noqdaan iyo in ay jiraan dad ka tirsanaa Al-Shabaab oo Dowladda xiriir la soo sameeyay.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn waxaa uu Allaah uga mahadceliyay isbedel ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo fursadda ay Dowladda Soomaaliyeed u heshay in ay gacanta ku dhigto ammaanka magaalada Muqdisho.

“In ay Dowladda Soomaaliya hanato ammaanka Magaalada Muqdisho dad badan ayaa u dhintay, dad badan baa u dhaawacmay, kuwo ayaa hantidooda ku bixiyay, kuwo kalena waa u soo jeediyeen, sidaas darteed shacabka Soomaaliyeed waxaan ka rabnaa in ay degmo degmo isu abaabulaan oo ay ammaanka sugtaan, dowladdana ay gacan siiso”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif oo sheegay in ay sii socon doonaan howlgallo ay dowladda Soomaaliya amniga ku sugeyso.

“Waxaan hubaa in aan ka dheregsan nahay fowdo in loo laabtaa dhibaatada ay keeneyso, sidaas darteed haddii aan wada dadaalno nabadda waan ka miro-dhalineynaa. Howlgalladii ay dowladda wadayna sidoodii ayay u socon doonaan”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyaro sida uu yiri la marin-habaabiyay, kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay ka laabtaan ficilladii xumaa ee lagu qalday, wuxuuna farta ugu fiiqay in ay mustaqbal leeyihiin, ayna waxbarasho aadi karaan, isagoo xusuusiyay in qof muslim ah oo la dilo aanan wax faa’iido ah lagu gaareynin.

HALKAN KA DHEGEYSO
SHIRKA JARAA'ID EE MADAXWEYNAHA

“Dhalinyaradii la marin habaabiyay waxaan rabnaa in aan ugu yeerno in ay u soo laabtaan dariiqa wanaagsan ee dowladnimada iyo Soomaalinimada, ayna ka fogaadaan dembiyada iyo in ay dhibaateeyaan shacabkooda, waxaan leenahay ka faa’iideysta fursadda wanaagsan ee ay shacabkiina iyo dowladda ay idiin ogol yihiin, mustaqbal wanaagsan ayaad heli kartiin oo leh waxbarasho iyo nolol fiican iyo in aad ka dhex baxdaan dembiyadaas. Waxaan rabaa in aan xusuusiyo qof muslim ah oo la dilo in aan aakhiro Janno lagu gelyenin, Aakhirana wax xun ay tahay, Adduunyadana wax aan fiicneyn in ay tahay”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif.

Nadaafadda ayuu ka hadlay madaxweynaha, wuxuuna sheegay in  magaalada Muqdisho ay ka baxeen geedo badan, kuwaasi oo u baahan in magaalada laga jaro, si bilicdii magaalada u soo noqoto.

“Magaalada geedo faro badan ayaa ka baxay, wasaq faro badanna waa taallaa, marka degmo kasta waxaa laga rabaa in ay xaafadaheeda nadiifiso, nadaafaddana waa wax na wada khuseeya”ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha.

Arrimaha gargaarka bani’aadannimada ayuu ka hadlay madaxweynaha wuxuuna sheegay in beryihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegayay in ay soo baxeen kooxo dhaca gargaarka bani’aadannimada, wuxuuna uga digay dadka arrimahaas ku shaqada leh in ay muteystaan ciqaab adag, “Marka adiga oo dhacaya gargaar loogu talagalay dad dhibaateysan yaanan lagu soo qabanin, sidaas darteed waxaan rabnaa in ay dadku ka qeybqaataan habsami-u-socodka howlahaas”ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu kaloo ka hadlay Madaxweynaha arrimo la xiriira hantida dowladda, gaar ahaan dhulka, wuxuuna digniin u jeediyay dadka heysta dhulka danta guud ah, isagoo caddeeyay in aan la aqbali doonin in la heysto dhul dan guud ah.

“Dhulka danta guud shacabka oo dhan ayuu u dhaxeeyaa, midka jooga iyo midka maqan, marka ciddii ku fikireysa in ay arrimahaas si gaar ah uga faa’iideysato waxaan u sheegeynaa in aan lagu dhex arkin goobahaas”

“Ciddii isku dayda in ay dalka fowdo ku celiso waxaa loola dhaqmi doonaa sidii Al-Shabaab oo kale. Arrinta ku saabsan xiriirka Al-Shabaab aniga weli ma hayo, laakin haddii ay jiraan Dad Al-Shabaab ka tirsan oo doonaya in ay nabad qaataan waan soo dhaweyneynaa”ayuu yiri Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ku saabsaneyd suurtagalnimada in ay soo noqon karaan hoggaamiye kooxeedyadii iyo in ay jiraan dad ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir la soo sameeyay Dowladda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]