12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2011
Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo 2500-qoys raashin gar gaar ugu qeybisay Gobolada Bay iyo Bakool


Arbaco, Ogoosto 10, 2011 (HOL) – Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa gargaarkii ugu horreeyay gaarsiisay dadka abaaruhu ku habsadeen ee ku nool gobollada Bay iyo Bakool, waxaana deeqdan oo ahayd raashin isugu jiray bur, bariis, sonkor iyo saliid raashinka lagu karsado ka faa'iideystay 2500 oo qoys.

Mas'uuliyiinta shirkadda Hormuud ayaa sheegay in deeqdan ay ahayd mid ay kaga jawaabayeen qaylo-dhaanta abaaraha iyo baahida deg-deg ah ee xilligan ka jirta gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Qoys walba oo ka mid ah kuwa deeqdan loo qaybiyay ayaa waxaa la siiyay: 25-kg, oo bariis ah, 25-km oo bur ah, 5-kg oo sonkor ah iyo 3-liiter oo saliid ah, iyadoo ay aad ugu farxeen dadkii loo qaybiyay kuwaasoo isugu jira haween, caruur iyo waayeelo aad u jilicsan, kuwaasoo abaaruhu ay saameynta uu xooggan ku yeesheen.

Qoysaska ay shirkaddu deeqdan u qaybisay ayaa waxay kala aahayeen 1300-qoys oo ku nool Baydhabo, 200-qoys oo ku nool deegaanka Caliyow-Muumin, 200-qoys oo ku nool Waajid, 200-qoys oo ku nool deegaanka Ceel-boon, 150-qoys oo ku nool deegaanka Rabdhuurre, 200-qoys oo ku nool Tiyeeglow iyo 300-qoys oo ku nool tuulooyin hoosyimaada degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.


Guddiga u qaabilsan shirkadda hormuud gurmadka abaaraha ayaa waxay sheegeen in dhammaan deegaannada ay gargaarka ka qaybiyeen ay ka jireen xaalado aad u daran oo ka dhashay abaaraha, iyagoo sheegay in hadafka shirkaddu ay tahay sidii loo gargaari lahaa walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan si macluusha sii fidaysa looga hortago.

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa sidoo kale waxay dhawaan illaa 6,000 oo qoys ka mid ah barakacayaashii abaaraha oo ku sugan Muqdisho iyo Shabeellada hoose ay u qaybisay gargaar kala duwan, waxaana dadkan ay ku jireen xerada KM-50 iyo degmada Dharkeynley.

Guddiga gurmadka abaaraha ayaa sheegay in gargaarradan ay shirkaddu ku bixisay lacag gaaraysa 500,000 dollarka Mareykanka ah, iyagoo sheegay in shirkadda Hormuud ay sii wadayso bixinta gargaarka.

shirkadda Hormuud ayaa noqonaysa ugu horreysay oo gargaar noocan oo kale ah ka bixisa dalka tan iyo markii lagu dhawaaqay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya, kuwaasoo baabi'iyay xoolihii ay dadka dhibaateysan noloshoodu ku tiirsanayd.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya