Hay'adda Daryeel Bulsho Guud oo guryo u dhistay dad barakacayaal ah oo ku nool Muqdisho (SAWIRRO)
.JPG)
Khamiis, Abriil 21, 2011 (HOL) – Hay'adda wadaniga ah ee Daryeel Bulsho Guud (DBG) ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigtay 200-guri oo ka sameysay jiingado kuwaasoo ay u dhistay barakacayaal ku nool kaamam ku yaalla degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.
Kaamamka laga dhisay guryahaan ayaa waxaa qaarkood ku nool dad curyaamiin ah kuwaasoo sheegay inaysan haysan guyo ay dagaan balse ay hay'adda DBG u dhistay guryo ka sameysan jiingado oo aysan maanka ku hayn in loo dhisi doono.
"Guryahan waxaan u dhisnay 200-qoys oo ahaa dadkii ugu liitay ee ku noolaa dhowr kaam oo aad soo aragteen, guri walbana wuxuu ka kooban yahay qol jiif ah iyo barsad," ayuu yiri agaasimaha hay'adda DBG Cumar Colaad Axmed oo saxaafadda la hadlay markii lasoo gabagabeeyay socodkii lagu tagay kaamamka guryaha laga dhisay.
Sidoo kale, agaasimaha DBG wuxuu sheegay in inay wadaan mashruuc ay biyo ku siinayaan kaamam ku yaalla degmooyinka Wadajir, Dharkeynley iyo Hodan kuwaasoo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.
.JPG)
"Mashruucan biyaha aan ku gaarsiinayno kaamamka waa socdaa waana saddex KM oo aan doonayno inaan ka sameyno 15-rugood oo biyaha ay ka dhaansan karaan dadka ku nool kaamamka laga dhex dhisayo," ayuu yiri Cumar Colaad.
"Dhawaan waxaan soo afjarnay mashruuc aan ku qaybinnay raashin 400-mitiric-tan ah, kaasoo isugu jiray bariish, digir, galley iyo saliid, sidoo kale waxaan qaybinay 2,000 oo bacood oo ah kuwa roobka laga galo iyo maro kaneecooyin," ayuu Colaad hadalkiisa daba-dhigay.
Agaasimaha haya'dda DBG ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan mashruux ay ku dhisayaan sideed dhisme oo isugu jira dugsi Qur'aan iyo iskuullo ay ugu talogaleen inay wax ku bartaan caruurta aan waxbarashada haysan ee ku jira kaamamka ku yaalla Muqdisho qaarkood.
"Hay'adda Daryeel bulsho guud waxaa daacad ka ah inay dadkeeda u shaqeyso, waxaana hay'adaha kale ee dalka ku sugan ka codsanaynaa inay kaalmeeyaan dadka ku dhibaateysan gudaha iyo daafaha caasimadda maadaama ay jiraan abaaro iyo colaado," ayuu yiri Colaad.
.JPG)
Qaar ka mid ah dadkii ku noolaa kaamamkii saxaafadda la geeyay ayaa waxay uga mahadceliyeen hay'dda DBG guryaha iyo musqulaha ay u dhistay iyadoo dadkii ku noolaa kaamamkaas qaarkood ay sheegeen inay tahay markii ugu horreysay oo loo dhiso guryo jiingado ah muddo 20-sano ah oo ay kaamamkaas dagganaayeen.
Waxaa sido kale jiray dad iyaguna ka cabanayay inaan guryo loo dhisin balse loo sheegay markii hore in guryo loo dhisayo, kuwaasoo sheegay in mas'uuliyiinta DBG ay u sheegeen inuu dhismuhu dhamaaday, balse mar kale guryo loo dhisi doono.
.JPG)
.JPG)
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya