Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo K/Cagta ku ciyaaray Xeebta Liido (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, November 25, 2011(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada ayaa galabta ciyaaro Kubadda Cagta uga qeybgalay Xeebta Lido ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciyaartan uu daawanayay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Mudane Cali Mahdi Maxamed oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya.

Ciyaartan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayna goob joog ka aheyd bahda Warfaafinta  ayaa waxaa wada ciyaaray Koox loogu magac daray Xukuumada oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaaraha ayna ka mid ahaayeen Wasiirka, Qorsheynta C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Isboortiga iyo dhalinyarada Maxamed Muxudiin, Wasiirka Dastuurka iyo A. Federaalka Xoosh Jibriil, Wasiiru dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Mudane Siciid Qoorsheel, Wasiirka kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo A. Qaranka C/xakiin Cige Guuleed, iyo Wasiirka kuxigeenka Shaqada iyo shaqaalaha Daahir Xaaji Geelle, iyadoo dhanka kalena ay safnaayeen koox ku ciyaareysay magaca Shaqaalaha Dowladda waxaana ciyaartu ku soo gabogabowday 2-1 oo ay ku badiyeen kooxdii ku ciyaareysay magaca Xukuumada.

Ciyaarta kadib, ayaa waxay sameeyeen dabaal waxaana halkaasi lagu qaatay in ka badan labo saacadood oo iyadoo goobtana ay joogeen dadweyne  ka kala yimid xaafadaha degmooyinka ku xeeran xeebtaasi Liido.

Ra’iisul Wasaaraha oo bahda warfaafinta kula hadlay Xeebta Liido ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta ciyaar kaga qeybgalo Xeebta Liido isla markaana uu ku dabaasho, wuxuuna yiri waxay I soo xusuusineysaa arrintan beri samaadkii oo uu xusay in isaga oo degan degmada Boondheere uu maalin kasta oo Jimce ah u soo dabaal tegi jiray xeebtan Liido,


Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu waxa lagu farxo ku tilmaamay in xeebtan laga xoreeyey kooxo caddow ah oo u diiday dad shacabka ah inay six or ah ugu soo dabaal iyo ciyaaro tagaan xeebta, maadaama buu yiri ay doonayeen in dhalinyarada aysan helin wax maaweelo ah si ay ugu dagaalamaan kooxahaasi Nabadiidka ah.

“Waxaan leeyahay anigoo fursadan ka faa’iideysanaya dadka qurbejoogta ah dalkiina dib ugu soo laabta, keensada caruurtiina xeebtan ku ciyaaro quruxda badan, oo dalkiinana dib u dhisa” ayuu yiri oo intaasi ku daray in intii uu ku noolaa dalka Mareykanka haddii uu damco inuu aado Badda ay ku qaadan jirtay diyaar garowgeeda in ka badan hal maalin qarashna uu uga bixi jiray balse galabta wax lacag ah isaga oon bixin uu ku yimid in ka yar 20 daqiiqo.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa isna goobta ka hadlay wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta madaxdii dowladda ay soo booqdaan kuna ciyaaraan xeebta Liido, isagoo xusay in todobaadyo ka hor isagu markii uu Muqidsho yimid uu ugu horeyntii isaga oo xiiso u qaba ku dabaashay Xeebtan Liido.


Ugu dambeyntiina qaar ka mid ah qurbejoogta dhowaanahan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishoh ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in qaar ka mid ah caruurtooda ay joogaan magaalada Muqdisho dhowaana ay rajeynayaan inay dib ugu soo wada laabtaan dalkooda oo ay xiiso badan u qabaan.









Hiiraan Online News Desk






Jimce, November 25, 2011 (HOL)- Guddoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedka DALSAN ayaa iska difaacay eed uu guddoomiyaha xisbiga UCID ujeediyey ururada cusub ee lagu dhawaaaqayo, kaas oo uu shegay in aanay haysan sharcinimadii ururnimo.

Gobolka Togdheer oo dhamaystiray goobihii lagu qaban lahaa tartanka ciyaaraha ee gobolada Somaliland Jimce, November 25, 2011 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa xadhiga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta ee magaaladda Burco oo Dayactir balaadhan lagu sameeyey.

Jimco, November 25, 2011(HOL): Xulka Burundi ayaa galabta 4-1 uga adkaaday xulkeena Soomaaliya, kaddib markii ay isku arkeen ciyaartii ugu horeysay ee furitaanka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA oo ka furmay magaaladda Dar-es-Salaam ee wadanka Tanzania.

Jimco, November 25, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inay la xisaabtamayaan hay'adaha gargaarka, isagoo hay'adaha gargaarka ku eedeeyay inay si aan sax ahayn u isticmaalaan gargaarka loogu talogalay shacabka Soomaaliyeed.

Jimco, November 25, 2011 (HOL) − Baabuur ay wateen ciidamada DKMG Soomaaliya ayaa saakay qarax miino lagula eegtay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan waxa sababay qaraxa.

Jimco, November 25, 2011 (HOL) − Dowladda Kenya ayaa sheegtay in weerarro cirka iyo dhulka ah oo ay ku qaadeen deegaanno ay Al-shabaab kaga sugnayd Koonfurta fog ee Jubbada hoose ay kaga dileen tiro badan oo ka tirsan dagaalyahannadooda

Jimco, November 25, 2011 (HOL) − Afar qof ayaa ku dhintay, 30-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo xalay ka dhacay degmada Gaarisa ee gaobolka waqooyiga bari ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan oo bambooyinka gacanta ay sababeen in xalay ay Gaarisa noqoto magaalo mugdi ah.

Jimco, November 25, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulan kula yeeshay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi.

Jimco, November 25, 2011 (HOL) − Shir ay golaha wasiirrada Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho Khamiistii shalay uuna shir guddoominayay, C/weli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimaha amniga, waxqabadka xukuumadda iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin mataaneynta booliiska iyo wasaaradaha dowladda KMG iyo adeegyada bulshada.

Somali News

11/26/2011 12:11 AM EST
ROME — An Italian merchant ship hijacked by Somali pirates in April in the Arabian Sea near Oman with six Italians and 15 Filipinos on board has been freed, Italian news media reported on Friday.

11/25/2011 8:18 PM EST
The IGAD Assembly of Heads of State and Government held its 19th Extra-Ordinary Summit Meeting in Addis Ababa, on 25th November 2011 under the Chairmanship of H.E. Meles Zenawi, Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia and Chairperson of the IGAD Assembly during which the Republic of South of Sudan was admitted to the regional bloc.

11/25/2011 7:04 AM EST
Ethiopia is standing by to bolster forces in Somalia to stretch Islamist rebels targeted by a Kenyan military incursion. Here are details of foreign interventions in the anarchic Horn of Africa country over the last 20 years.

11/25/2011 7:01 AM EST
Leaders of six East African countries will meet Friday to consider ways of stepping up the military campaign aimed at crushing Somalia's embattled al-Shabab extremist group. The leaders see United Nations support as the key to breaking al-Shabab's stranglehold on famine-ravaged regions of south and central Somalia.

11/25/2011 6:51 AM EST
Kenyan troops have blockaded the port of Kismayu, effectively cutting off al-Shabaab’s main source of revenue.

11/25/2011 6:04 AM EST
The Obama administration is intensifying its campaign against an al-Qaeda affiliate in Somalia by boosting the number of proxy forces in the war-torn country, expanding drone operations and strengthening military partnerships throughout the region. In many ways, the American role in the long-running conflict in Somalia is shaping up as the opposite of the wars in Iraq and Afghanistan: relatively inexpensive, with limited or hidden U.S. footprints.

11/25/2011 1:48 AM EST
The east African regional soccer tournament kicks off this weekend amid news the Somali government has dissolved its football federation following differences with the sports minister, officials said.

11/25/2011 1:44 AM EST
Air strikes by the Kenya Defence Forces have destroyed two Al Shabaab camps identified as Wamaitho and Kisima near the town of Babade in Somalia, killing seven militants and injuring eight.

11/25/2011 1:41 AM EST
Kenyan troops launched both air and ground bombardments on strategic Al Shabaab strongholds in Somalia and killed 10 militants in the latest offensive as they advance to capture the port of Kismayu.

11/25/2011 1:37 AM EST
When the first batch of African Union peacekeepers landed at Mogadishu’s decrepit airport in 2007, they were immediately shelled by insurgents with mortars and given little chance of success.

11/25/2011 12:51 AM EST
Four people were killed and at least eight injured in separate attacks in Kenya's North Eastern province on Thursday. Three died on the spot in two near-simultaneous grenade attacks....
Click here