Khamiis, 03 Maarso, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulamo la qaatay dhammaan masuuliyiinta ugu sarreysa ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.
Kulamadaas ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga C/Xakiim Xaaji ( Fiqi), Taliyaha Ciidamada qalabka sida Gen. Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) iyo Taliye Xigeenka ahna Abaanduulaha Ciidamada XDS C/kariim Yuusuf Aadan (Dhego-badan), iyo Gen. Nathan Mugisha oo ah Taliyaha ciidamada AMISOM.
Kulankaas oo qayb ka ahaa abaabul xoog leh iyo wadatashiyo uu Madaxweyne Sheekh Shariif uu la yeelanayo saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Sheekh Shariif ayaa sheegay in muhiimadda kulamadaan ay tahay sidii ammaanka dalka loo sugi lahaa, loogan saari lahaa kooxaha dowladda kasoo horjeeda.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Muqdisho, Soomaaliya
[email protected]