11/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2011
Xarrakatul Shabaab oo gargaar raashin ah ka qaybisay Gobollada Banaadir, Hiiraan iyo Shabeellada Hoose (SAWIRRO)


Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) Guddiga gurmadka abaaraha ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa deeq ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka shalay ka qaybiyay magaalada Muqdisho iyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada hoose, iyadoo dadkii la siiyayna ay ku jireen dad naafo ah oo lixaadku ka kala dhiman yahay.

Xaafadda Gubadleey ee duleedka magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin dad masaakiin ah oo u badan kuwii kasoo barakacay degmada Kaaraan iyo degmooyinka kale ee ku dhow-dhow iyo sidoo kale dad abaaruhu ay kasoo dhameeyeen xoolihii ay dhaqan jireen ayaa loo qaybiyay raashin isugu jira Bariis, Digir iyo Saliid.

Sheekh Suldaan Maxammed Aala-Maxammed oo ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in tirada qoysaska ka faa’iideystay raashinkaas gargaarka ah ay yihiin 500 "Shan boqol" oo qoys, iyadoo qoys walba uu qaadanayay 25-kg oo digir ah, 10-kg oo Bariis ah iyo hal caag oo saliid cadeey ah.


Sheekh Suldaan Aala-Maxammed ayaa sidoo kale sheegay inay maanta galbeedka magaalada Baladweyne ee wilaayada gobolka Hiiraan ay sidan oo kale ka qaybiyeen raashin gargaar ah oo gaaraya 600 oo loor oo bur ah, ayna ka faa’iideysteen 1,200 oo qoys, iyadoo qoys walba uu qaatay 25-kg oo bur ah.

Dhanka wilaayada Shabeellada hoose ayuu sheegay sheekhu inay maanta deegaanno hoosyimaada magaalada Sablaale ay ka qaybiyeen raashin isugu jira Galeey, Digir, Bur iyo Saliid caddeey.

Tirada qoysaska ka faa’iideytay gargaarka laga qaybiyay deegaannada hoos-yimaada Sablaale ayaa ahaa 500 "Shan boqol" oo qoys, iyadoo qoys walba la siiyay 40-koombo oo galley ah, 13-koombo oo Digir ah, 12.5-kg oo bur ah iyo hal caag oo saliid caddeey ah.

Guud ahaan, dadweynihii maanta loo qaybiyay raashinka gargaarka ah ee ku kala sugnaa wilaayaatka Banaadir, Shabeellada hoose iyo Hiiraan ayaa si weyn ugu farxay tallaabada ay gudiga gurmadka abaaraha ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab mar kale ku gaarsiiyeen raashinkan, iyadoo marar kale oo horena ay sidaan oo kale Xarrakadu gurmad ugu fidiyeen dadkaas dhibaataysan.

Gudiga gurmadka abaaraha ee Xarrakada Al-Shabaab ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay afar bilood ka hor wuxuu mas'uuliyad gaar ah iska saaray sidii uu gurmad isugu jira raashin, biyo lacago caddaan ah ka qaybiyay dhammaan wilaayaadka dalka Soomaaliya ee ay Xarrakadu gacanta ku hayso.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya