4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2011
Fanaanadda Saada Cali Warsame oo abaal-marin qiimo leh lagu guddoonsiiyay Magaalada Toronto (SAWIRRO)


Isniin, June 06, 2011(HOL): Fanaanadda Saada Cali Warsame oo ka mid ah Fannaaniinta Soomaaliyeed kuwooda indhaha  u ah Bulshada ayaa habeen hore abaal-marin qiimo leh oo nooca life time achievement lagu guddoonsiiyay Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Xafladda oo ay soo qaabeysay Hay'adda Somali Refugee Awareness Project ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed eek u nool dalka Canada, waxaana  xusid mudan in goobta ay ka soo xaadireen fannaaniin Soomaaliyeed oo aan ka soo qaadan karto Khadiija C/llaahi Daleys.

Waxaa khudbado laga hadlayo taariikh faneedka Saado iyo halganka ay had iyo jeer ugu taagantahay midnimada ummadda iyo dalka Somalia kasoo jeediyey odayaal, madaxda jaaliyadda iyo xubno ka socda bulshada Soomaalida magaalada Toronto.


Dadkii halkaa ka hadaly waxay dhamaantood xuseen in Saado Cali mutaysatay abaalmarintan la gudoonsiiyey, iyagoo uga mahadceliyey kuna ammaanay Saado doorka ay ugu jirto umaadda Soomaaliyeed, ayna mudan tahay ku dayasho.

Xafladdan oo ay soo abaabushay Hay'adda (Somali Refugee Awareness Project ), oo ah mashruuc sama fal ah korna loogu qaadayo wacyigelinta dhibaatada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Saado Cali waxaa loo doortay in ay noqoto Danjire ka caawiye Hay'adaha Qaxootiga sidii wax loogu qabanlahaa dadka Somaaliyeed ee ku tabaalaysan xeryaha qaxootiga Kenya, waxayna safar ku tegi doontaa xeryahaas dhamadka bishan June hadii Allah idmo.

Hodan Naleeye oo iyadu ka socotay hay'adaas ayaa waxay xafladdaas ku gudoonsiisay Fanaanadda Saado Cali abaalgud ay ku mutaysatay shaqadii ay Saado u soo qabatay ummadda Soomaliyeed, welina u hayso.. waxaana Saado Guddoontay Saxan Ballaadhan oo uu ku dhexjiro Cajalad CD ah oo Dahab ah laguna xardhay 35 sano ee ay ku jirtay suugaanta Somaaliyeed.


Waxaa kaloo halkaas ku guddoontay Saado Bilad sharafyo dahab ah oo ay kala siiyeen Jaaliyadda SSC iyo Ugaadeeniya ee Toronto. Saado Cali waxay intaas kadib marti sharaftii kasoo qaybgashay xafladan u qaaday heeso badan oo isugu jiray jacayl iyo wadani. dadweynihii xafladan joogay ayaa aad ugu riyaaqay maqalka heesahaas ay ka midka ahayeen, Afkiiba juuqda gabay, Cunaabi, Libdhimaysid Laascaanood, Darwiish, Somaliweyn iyo kuwo kale.

Saado Cali Warsame oo dareenkeeda ku aaddan abaal-marinta la siiyay uga warrameysay HOL ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay abaal-marinta la siiyay,ayna tahay tii ugu horreysay ee la siiyo fannaan Soomaaliyeed.

“Aad iyo aad ayay shucuurteyda u sarreysaa, waana ku faraxsanahay in la ii gartay abaal-marintaas oo la igu siiyay sida aan rumeysanahay halgankii dheeraa ee aan u soo galay in dadka Soomaaliyeed dulmiga la daayo, welina aan jidkaas ku taaganahay”ayay tiri Saada Cali Warsame.


Saado Cali Warsame oo isku ah heesaa, muxalam, soo saare, gabyaa iyo jilaa ayaa la guddoonsiiyay abaal-marinta life time achievement, waxayna abaal-marintan ku heyshay muddo 35 sanadood ah oo ay ku fanka ku soo jirtay isla markaana ay cod u ahayd dadka aan codka lahayn.

Gabagabadii Waxay Saado ku boorisay umadda Soomalaiyeed inay ilaashadaan Dalkooda, meelna uga soo wada jeestaan oo u midoobaan cadawga badan ee dullaanka ku ah dalka iyo shacabka Soomaaliya.