
Axad, 17 July 2011(HOL): Xafladdan lagu soo dhaweynayay madaxweynaha maamul goboleedka Udubland Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow ayaa lagu qabtay Magaalada
Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen dad aad u faro badan oo isaga kala yimid gobollada dalka
Dr. Maxamed Ciise oo metelayay Dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ugu horreyn ka hadlay xafladda wuxuuna soo dhaweeyay dowlad goboleedka Udubland iyo madaxweynihiisa, kaddibna wuxuu faahfaahin ka bixiyay qaabkii loo dhisay dowlad goboleedka uu ka dhisan yahay iyo weliba waxyaabihii uu qabtay iyo wax uu hiigsanayo.
Wuxuu sheegay in Dowlad goboleedkooda Ximan iyo Xeeb wuxuu kaalin weyn ka geystay in uu is-fahamsiiyo dadka ku dhaqan deegaannada uu ka taliyo, isla markaana uu maslaxadooda ka shaqeeyo, sidoo kalena uu deris wanaag iyo xiriir iskaashi uu la sameeyo dowlad goboleedyada deriska la ah.

Wuxuu u rajeeyay madaxweynaha Udubland in uu noqdo nin ka soo dhalaala xilka loo magacaabay, isagoo sheegay in uu yahay nin karti hoggaamineed leh, isla markaana horumar gaarsiin kara dadka deegaannada Udubland, dadka deriska la ah iyo guud ahaan Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdi C/lle Siciid Jinni Boqor oo xafladda goob-joog ka ahaa isna ka hadlay xafladda wuxuuna sheegay in dowlad goboleedka Udubland uu ka yahay mid dowlad goboleedyo 10 kor u dhaafaya oo ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la sii badiyo dowlad goboleedyadaas, maadaama buu yiri kala dambeyn, dib u heshiisiin iyo iskaashi loo baahan yahay.
“Waxaan leeyahay Soomaaliya degmooyinkeeda maamul goboleedyo ha laga sameeyo waayo waxaa la gaaraya in qoladii meel wada deganba ay horay dhinac walba leh gaarto kaddibna loo gudbo Soomaaliya oo dhan. Sida ay ila tahay maamul goboleedyada hadda jira ma diidana dowlad dhexe ee waxaa looga baxayaa dowlad la’aanta iyo kala dambeyn la’aanta, waxaana imaanaya sidoo kale waxqabad dhinacyada bulshada ah”ayuu yiri Xildhibaan Jinni Boqor.
Libaan Xuseen Cusmaan oo metalayay Dowlad Goboleedka Azania ayaa isna ka hadlay Xafladda wuxuuna sheegay in dadka Udubland iyo Dadka Azania ay deris yihiin, ayna weligood ahaan jireen. “Dadka Udubland waa dad nabadda jecel, dagaal marka ay timaadana waa dad lagu xusuusto dagaalkii ay la galeen gumeystihii Talyaaniga, waana soo dhaweyneynaa dowlad goboleedka ay sameysteen iyo weliba madaxweynahooda”ayuu yiri Liibaan Xuseen Cusmaan.

Kerstin Gustavsson oo ka tirsan Xisbiga talada dalka
“Waxaa jiro Muqdisho, Puntland, Somaliland, Galmudug iyo Jubbaland, waana wax lagu dayan karo, waayo waxaa lagu sameyn karaa dowlad goboleedyada isa saamaxaad iyo wadatashi, kaddibna looga gudbo dhibaatooyinka jira” ayay tiri Kerstin oo sheegay in ay muddo dheer ku soo dhex nooleed Soomaalida ku nool
“Waxaan jeclaan lahaa inta aanan dhiman in aan arko Soomaaliya oo nabad ah, dhaqaalaheeda uu sarreeyo, isla markaana aad u qurxoon. Soomaalida muddo dheer ay ku soo dhex noolaa, waqtiyo kala duwanna aan la qeybsaday. Xitaa hadda oo aan ka guuray

Amoon C/llaahi oo ka socotay Radio
“Dowlad goboleedkan Udubland waxaan u rajeynayaa in uu noqdo mid miro-dhala, waxaana leeyahay madaxweynihiisa noqo midkii udub dhexaadkii soo celinta dowladnimadii Soomaaliya”ayay tiri Aamoon C/llaahi oo ku hadashay magaca haweenkii xafladda ka soo xaadiray iyo kuwii aan fursadda u helin ee ay raggooda metalayeen.
Amoon C/llaahi waxaa ay sheegtay in dalka

Siciid Maxamed Xeyd ayaa sidoo kale ka hadlay Xafladda, wuxuuna ammaanay madaxweynaha Udublanad Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow oo uu sheegay in uu yahay nin u heellan in uu wax ka qabto dhibaatooyinka ka jira deegaannada Udubland, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay laga shaqeeyo oo la soo celiyo nabadgelyada uu gobolka caanka ku ahaa, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay maamul goboleedyada in ay wada shaqeeyaan, ayna baabi’iyaan nidaamka cadaalad darrada ku dhisan ee loo bixiyay 4.5.
Waxaa intaas kaddib cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Cilmi Cabdulle Xuseen oo si kooban uga hadlay taariikhda soo jireen ee

Madaxweynaha Udubland Dr
Wuxuu sheegay in Dowlad goboleedka Udubland uu yahay mid u furan qof kasta oo Muslim ah oo Soomaali ah, lagana soo dhaweynayo, “maamul goboleedkan dhisitaankiisa baahi ayaa keentay ee iskama imaan, qofka naqdinayana waxaa laga yaabaa in uusan u arkin sida aan u arkeyno dhibaatada Soomaaliya ka taagan dhinac kasta gaartay, hayeeshee waxaan leenahay dowlad goboleedyada waxay sameynayaa wixii ay dowlad sameyn lahayd inta dowladdii dhexe ka soo noqoneyso”ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Udubland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online