Raashinka loogu talogalay dadka dhibaateysan oo la sheegay in la xado iyo WFP iyo DKMG ah oo baaritaanno wada (SAWIRRO)



Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay inay baaris ku sameysay gargaarka bani'aadamnimo ee loogu talogalay dadka dhibaatadu ku haysato Soomaaliyeed oo la xado laguna iibiyo suuqyada Muqdisho iyo weliba goobo ku dhow kaamamka ay dadkii loogu talogalay ay ku nool yihiin.

Hay'adda WFP iyo dowladda KMG ah ayaa si wadajir ah arrintaas u cambaareeyay iyagoo sheegay inay billaabeen baaritaano lagu sameynayo xatooyada gargaar ee dhacday, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo ay ku caddaato.

Warbixinta AP ayaa lagu sheegay in gargaarka laga xado dhammaan kamamka ku yaalla Muqdisho laguna iibiyo sideed goobood oo ku yaalla caasimadda, iyadoo kaamamka laga xaday ay ku jiraan caruurtii loogu talogalay oo nafaqodarro ah awgeed lafo noqday.

"Markii gargaarna nala siiyo waxay nagu yiraahdaan horjoogayaasha dib u celiya raashinka," ayay tiri Xaliimo Sheekh Cabdi. Waxayna hadalkeeda raacisay: "Ma diidi karno inaan al shaqeyso, waayo haddii aan diidno waxay si khasab ah nooga saarayaan kaamka, markaas kaddibna ma garan kartid wax aad sameyso iyo wax aad cunto. Tani waxay horay ugu dhacday dad badan."

Qarammada Midoobay ayaa arrintan waxay ku noqotay mid lama filaan ah, iyadoo horay u sheegtay in 3.2-milyan qof oo Soomaali ay u baahan yihiin gargaar aadamnimo oo deg-deg ah, waxayna intaas ku dartay in 450,000 qof oo dadka dhibaateysan ka mid ah ay ku nool yihiin goobaha ay macluushu ka jirto oo ay xukunto Xarrakada Al-shabaab. Mareykanka ayaa isna sheegay in 29,000 oo caruur ah oo da'doodu ay ka hoosayso shan sano ay u dhinteen macluusha ka taagan Soomaaliya.

Madaxa WFP ee Soomaaliya Stefano Porretti ayaa sheegay inay billaabeen dabo-galkii saddexaad oo ku saabsan sidii ay ku ogaan lahaayeen gargaarka la xado, isagoo sheegay inay howshaasi khatar tahay, maadaama 14-shaqaale ah looga dilay Soomaaliya tan iyo sannadkii 2008.

"Baaritaanno lagu sameeyo gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo la xado waa mid aad u khatar badan," ayuu yiri Porretti.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in DKMG ah aysan rumeysnayn in tiro badan oo gargaarka aadamnimo ah la xado, laakiinse ay baarayaan warkan, isagoo sheegay in dowladdu ay sameyn doonto wax walba oo ay awooddo ayna tallaabooyin qaadi doonto.

Wakaaladda wararka AP ayaa warbixinteeda ku sheegtay in sideed ganacsato Soomaaliyeed ah oo diiday in magacyadooda la sheego ay u xaqiijiyeen inay raashinka gargaarka ah ka iibsadeen C/qaadir Maxamed Nuur (Eenow) oo ka mid ah qandaraaslayaasha la shaqeeya WFP iyo xaaskiisa oo madax ka ah hay'adda Saacid. Iyadoo WFP ku hanjabtay inay shaqada ka joojin doonto qandaraaslihii lagu helo inuu lunsaday gargaarka bani'aadamnimo.

Ganacsatadu waxay sheegeen in Eenow uu raashinka gargaarka ah ku iibiyo guryo uu ku leeyahay hareeraha KM-4, kuwaasoo ku yaalla dhabarka dambe ee Hotel Naasa-hablood. Qaarkood waxay sheegeen inay dekedda kasoo iibsadaan raashinka, halka kuwo kale ay sheegeen in isaga (Eenow) ay si toos ah gargaarka uga iibsadeen ayna lacagta ugu shubeen xisaab uga furan shirkadda xawaaladda Dahabshiil.

Cali Siciid Nuur oo ka mid ah barakacyaasha ku jira xerad Badbaado oo ay dowladdu sameysay ayaa sheegay in gargaarka loogu talogalay si cad loo xado, isagoo sheegay in raashin galley ah oo laba jeer la siiyo lagu khasbay inay dib ugu celiyaan hoggaamiyaha kaamkooda.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Dhibaatooyin iyo xaalado caafimaad daro ah oo aad u liita ayaa waxaa laagu soo waramayaa inay ka jiraan qaar ka tirsan Xeryaha ay ku nool dadka barakacayaasha ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobbalka jubbada hoose, ayadoona arintani ay saameyn xoogan ku yeelatay nolasha qoysaska dan yarta ah ee ku dhaqan xeryaha Kaamaka Magaalada Kismaayo.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Ururka Samafalka Wadaniga ah ee SADO,fadhigiisuna uu yahay degmada Baardheere ayaa maalmahii ugu dambeeyey waxaa uu deeq lacageed iyo Gargaar dhinaca hoyga ah uu gaarsiiyey in ka badan ilaa 2950 qoys,kuwaasi oo ku kala sugan degmooyinka Baardheere iyo Saakow,iyadoo Qoysaska la siiyey Gargaarka lacageed iyo mida Qalabka dhinaca hoyga ah ayaa u badnaa Qoysas barakacayaal ah,islamarkaana ay waxyeelo ka soo gaartey dhibaatooyinka Abaaraha ee ka taagan qeybo ka mid ah Gobolada koonfureed ee Soomaaliya.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuuti oo booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho ayaa isaga iyo wafdigiisu ay dib uga dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib markii uu kulammo kala duwan la yeeshay mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa isku fidiyay degmooyin ka tirsan Muqdisho, iyagoo la wareegay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid iyo Huriwaa, waxaana dhacay dagaallo sababay khasaare nafeed.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Burcabdadeed Soomaalida ayaa madaxfurasho lagaceed kusii daayay markab nooca xamuulka ah oo laga leeyahay Jasiiradda Malta iyo shaqaalihiisii oo afduub lagu qabaday bishii Feberaayo ee annadkan.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Waxaa maanta hakad galay shirkii Ahlusunna Waljamaaca uga socday degmada Caabduwaaq ee gobolka Galguduud, kaddib markii la isku khilaafay xubnaha golaha talada oo ay ahayd in maanta la magacaabo.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo saakay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa booqday xeryaha barakacayaasha iyo isbitaallada Muqdisho qaarkood, waxaana socdaalkan ku wehliyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxweynaha Soomaaliya.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Soomaalida ku nool magaalada Perth ee dalka Australia oo dhawaanahan deeqo kala duwan ka qaybinayay Muqdisho ayaa waxay qaybiyeen deeqdii shanaad, waxaana dhammaan deeqahan ka faa'iideystay dadkii kusoo barakacay abaaraha iyo bukaannada ku jira isbitaallada Muqdisho qaarkood.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jiray ayaa ku dhintay dagaallo goos-goos ah oo xalay ku dhexmaray Muqdisho ciidamada DKMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo Xarrakada Al-shabaab, waxaana dagaalladan ku dhaawacmay tiro ka badan inta dhimatay.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado ka hor kasoo dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo uu yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu xilka madaxweynenimo ee dalkaas la wareegay.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa midkiiba shan sanadood oo xadhig ah ku xukuntay masuuliyiin ka tirsanaa Dawladda, ka dib markii lagu helay inay lunsadeen hanta Qaran.

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Inkastoo markii aan ka baxay Gabiley ay i hareera yaacayeen dhirta cagaaran iyo beeraha hormaysani, haddana waxa jewi ka duwan kii hore aanu galnay markaanu gaadhnay Deegaanka Kala-baydh ee Galbeedka Gabiley. Waa goor fiid-cawl ah, cadceedda intii ay la soo jeeddayna waxa qariyay daruuro u muuqday inay isugu yeedhanayaan sidii ay Roob u curin lahaayeen. Waxa geedaha lulaya Foore aad mooddo inay baratan kaga soo dheeraysay dhibicda Roobka.

Somali News

8/16/2011 1:39 PM EST
TEHRAN – Iranian Foreign Minister Ali Akbar Salehi is scheduled to pay a visit to Somalia in the next few days to facilitate the process of delivery of aid to the famine-stricken people of the country.

8/16/2011 1:30 PM EST
The 2011 homicide counter started clicking early in Edmonton, and it has not stopped. Just three hours past midnight on New Year’s, police were called to an Ethiopian restaurant on Edmonton’s 107th Avenue—the “Avenue of Nations,” where East African immigrants...

8/16/2011 12:33 PM EST
In a bid to increase Somali football activities in western nations, the Somali Football Federation has appointed technical and administrative representatives in Europe and North Americawho will work on behalf of the SFF in terms of the promotion of Somali Football in their places.

8/16/2011 12:10 PM EST
A former Minneapolis man accused of helping to support terrorists in his native Somalia remains in custody after appearing in a United States courtroom Monday for the first time since being extradited from the Netherlands.

8/16/2011 12:05 PM EST
Somali pirates have released an Iranian-owned bulk carrier they hijacked 18 months ago, with the payment of a ransom ending one of the longest ship seizures, a maritime monitoring group said Monday.

8/16/2011 12:01 PM EST
The World Food Program strongly condemns the diversion of food from starving, vulnerable Somalis. WFP says it is investigating the allegations of theft of desperately needed humanitarian food and will suspend any parties found responsible.

8/16/2011 8:11 AM EST
They say beggars can’t be choosers.

8/16/2011 8:03 AM EST
The following Security Council press statement was issued by Council President Hardeep Singh Puri ( India):

8/16/2011 7:59 AM EST
The United Nations Security Council announced late on Monday that a meeting would be held on September 4-6 in Somalia to design a plan for building the war-torn country's government during the next year.

8/16/2011 7:52 AM EST
Burundi's president Pierre Nkurunziza said on Monday he was ready to send more troops for the African Union force in Somalia after the mission's commander last week called for additional soldiers.

8/16/2011 7:47 AM EST
South Sudan has offered to send troops to join the African Union (AU) peacekeeping force in Somalia that backs the weak interim government.

8/16/2011 7:44 AM EST
Muslims living in refugee camps on the Kenyan-Somali border fast during the holy month of Ramadan despite the extremely hot weather.

8/16/2011 7:40 AM EST
Eritrean President Issaias Afeworki on Tuesday began a three-day state visit to Uganda focusing on regional security, which his secretive country has been accused of destabilising by backing militants.

8/16/2011 2:22 AM EST
Kenya’s envoy to Nigeria Francis Sigei was Wednesday on the spot over claims of murder, rape and torture when he was a district commissioner.

8/16/2011 2:05 AM EST
NAIROBI, Kenya (AP) — African governments must make more substantial donations to the international relief effort aiding the more than 12 million people affected by the Horn of Africa drought and famine, an international aid group said Monday.

8/16/2011 1:50 AM EST
Sacks of grain, peanut butter snacks and other food staples meant for starving Somalis are being stolen and sold in markets, an Associated Press investigation has found, raising concerns that thieving businessmen are undermining international famine relief

8/16/2011 1:44 AM EST
UNITED NATIONS — The United Nations called for more international help for famine-struck Somalia on Monday — even as the organization's World Food Program admitted for the first time it has been investigating the theft of food aid for more than two months.

8/16/2011 1:40 AM EST
It’s the hidden factor in the Somalia famine: not just drought and civil war, but the quiet hand of the marketplace in triggering a painful rise in food prices for millions of vulnerable people.
Click here