4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2010
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ku baaqay in wax laga qabto amni-darrada Boosaaso
Talaado, September 07, 2010 (HOL) − Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah isimada Puntland ugu caansan ayaa hadal uu  kajeediyay munaasabada ka dhacday Bosaaso  kaga hadlay dilal qorshaysan oo kusoo badnaya magaalada habeenadii la soo dhaafay.

"Gobolka bari waxaa uu kaga duwanaa meelaha kale nabad ,loomana dul qaadanayo dadka amni darada wada " ayuu yiri ugaas Xasan mar uu ka hadlayay amniga Degmada.

Waxa uu ku eedeeyay ugaaska bulshada qaar in ay ka qayb qaataan amni daradda ,waxaana uu sheegay in hadii amni la waayo nolol iyo waxbarasho aysan jiri doonin.

"Ramadaanka ka dib waxaan codsanaynaa in la isugu yimaado kulan balaaran oo aan  uga wada hadalno wixii gobolka ka dhacay " ayuu hadalkiisa sii raaciyay ugaaska mar uu la hadlayay maamulka.

Ugaaska waxaa wajigiisa ka muuqatay sida uu uga xunyahay amni darada soo korortay,waxaana uu ku baaqay in arintan ay ciidamadu si dag dag ah wax uga qabtaan.

Ugu danbayntii ugaas Xasan ugaas Yaasiin waxa uu ka mid yahay  isimadii  ansixiyay yagleelida Puntland,waxaana uu ka qayb qaatay dajinta colaado ka dhacay meelo ka mid ah Puntland

Faose; Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Boosaaso,Somaliya