Dibad bax looga soo horjeedo gubista Kitaabka Qur'aanka oo ka dhacay Jubooyinka
Khamiis, September 16, 2010 (HOL) - Dibadbaxan oo ahaa mid aad u xoogan islamarkaasina ay ka qeybqaadanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa uu maanta ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalada Kismaayo ayaa lagu arkayay haween, caruur, odoyaal iyo dhalinyaro sita boorar ay ku qoranyihiin hal ku dhigyo ka turjumaya dareenkooda ku aadaan gubidda kitaabka qu'raanka kariimka ee la sheegay in lagu gubay dalka mareykanka, waxaana laga dheehanayay dadweeynahaasi carro aad u xoogan, iyadoo ay ku dhawaaqayeen halkudhigyo ay kamid ahaayeen "Gaal, Gaal Dooni meeyno" iyo kuwo kale oo badan oo ay ku muujinayeen dareenkooda.
Fagaaraha beerta xoriyadda ee bartamaha magaalada Kismaayo ayaa ahayd goobtii ay isugu yimaadeen dadweeynaha reer Kismaayo, waxaana halkaasi ku sugnaa masuuliyiin sar sare oo katirsan wilaayada Islaamiga ah ee gobollada Jubooyinka.
Kusimaha gudoomiyaha gobollada Jubooyinka sheekh C/raxmaan Xudeyfe oo isagu kamid ahaa masuuliyiintii gooobtaasi ka hadashay ayaa sheegay in kitaabka Qur'aanka kariimka uu gubay Baadari u dhashay dalka Mareykanka, iyadoo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in la gubo Kitaabka qur'aanka Kariimka, waxaana uu sheegay in la doonayo in muslimiinta oo dhan ay ka jawaabaan tallaabada lagu gubay kitaabka Qur'aanka.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan yacquub Cali, waxaana uu muujiyay sida ay uga xunyihiin talaabada lagu gubay kitaabka.
"Hadaad gubteen Kitaabka Qur'aanka kariimka, Inaga Kor ayaan u haynayaa," ayuu yiri Sheekh Xasan, "afka idin kalama hadleyno ee qoriga caaradiisa ayaan uga jawaabi doonaa talaabadaasi."
Odoyaal dhaqameedyo iyo ganacsato reer kismaayo ah ayaa sidoo kale halkaasi ka hadlay, waxaana ay dhamaantoodba muujiyeen dareenkooda ku aadan tallaabada lagu gubay Kitaabka Qur'aanka.
Dhanka kale mudaaharaadyo kuwani lamid ah ayaa waxa ay maanta ka dhaceen guud ahaanba degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee gobollada jubooyinka, waxaana maanta gabi ahaanba xirnaa dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo waxbarashada ee guud ahaanba gobollada Jubooyinka.
Mudaaraadyadani ayaa dhamaantoodba ku soo beegmaya xilli dibadbaxyo kuwani lamid ah ay shalay ka dhaceen gobollo badan oo katirsan koonfurta wadanka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya