1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 23, 2010
Gaari loogu deeqay Jaamacadda Hiiraan University

Sabti, 23, Oct, 2010 (HOL) Jaamacadda Hiiraan Unversity oo si caad ah howlaheedii waxbarsho u bilaawday ayaa waxaa maanta loogu deeqay Bas ka caawiya Jaamacadda qaadista ardeyda wax ka barta Jaamacada oo ah kuwo kala taga Xaafaddaha kala duwan ee magaalada ka kooban tahay.

Sida uu HOL u sheegay Ibraahim Cali Saney oo ka mid ah howl-wadeenada sare ee Jaamacada Hiiraan University, waxaa Bas-ka ugu deeqay Jaamacadda shaqsiga lagu magacaabo Rashiid Camalow, isaga oo intaa ku darray in Bas-kan uu mar kaliya qaadi karo ilaa 60 Ardey.

Marka laga soo tago maamulka Sare ee Jaamacadda sidoo kale waxaa gaarigan siweyn u soo dhaweeyay Ardeyda wax ka barata Jaamacada Hiiraan University, kuwaasoo sheegay in uu ka caawin doono gaarigan loogu deeqay ilaalinta waqtiga maadaama Jaamacadu tahay mid ka durugsan magaalada islamarkaana aysan suurtagal u aheyd Ardeydu in ay gaaraan Jaamacadda xiliga loogu tala-galay haddii aysan helin gadiid ka caawiya arintaa iyada ah.

Sikastaba waa markii ugu horeysa oo deeq muhiimadan oo kale leh la gaarsiiyo Jaamacadda Hiiraan University oo dhawaan laga hergaliyay goballka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya