10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 16, 2010
Soomaali ka qeyb gashay bandhig dhaqameed ka dhacay dalka Malaysia

Sabti, Oktoobar 16 (HOL) - Waxaa dalka Malaysia ka dhacay bandhig dhaqameed ay soo qaban qaabiyeen Maamul-ka Collage-ka RIMA international collage ee ku yaala Caasimada dalka Malaysia ee Kuala Lumpur iyadoo Collage-kan ay dhigtaan Soomaali badan oo ka kala yimid daafaha Dunida sida dalalka Carabta iyo dalka Soomaaliya.

Bandhig dhaqameedkan oo ahaa mid lagu soo bandhigayay dhaqanka iyo Hidaha uu dal waliba leeyahay waxaana ka soo qeyb galay dhowr dal oo ay ka midyihiin dalalka Somalia, Nigeria, Pakistan, India, chine, Tanzania, Swaziland iyo dalka Sierra Leone. Dal walbana wuxuu soo bandhigay dhaqanka, Hidaha iyo astaanta ay caan ku yihiin.

Dalka Soomaaliya oo ka mid ahaa dalalkii bandhig dhaqameedkan ka qeyb galay ayaa soo bandhigay dhinacyada  huga, cuntada, qalabka hiddaha iyo dhaqanka, iyadoo aysan ka marneyn ciyaaro dhaqameedyada ay soomaalid caanka ku tahay. Hidaha iyo Dhaqanka dadka Soomaalida ay caanka ku yihiin ayaa inta badan ay jecelyihin dad badan oo aan Soomaali aheyn.
Dhan kalle Soomaalida ayaa soo bandhigay Ciyaaro wanaagsan oo ay la dhaceen dadkii isugu yimid goobta, iyadoo Dhalintii ka socotay dalka Soomaaliya ay Muujiyeen Geesinimo taasi oo ugu danbeeyntii keentay in Dalka Soomaaliya uu kaalinta koowaad ka galo Bandhig Dhaqameedka.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan guuleeysano, dadaalkeenana halkaas ayaan ka sii wadi doonaa” Sidaasi wndhigaxaa yiri C/risaq Qasim “Dalhorno” oo ka mid ahaa dhalintii bandhig dhaqameedka ka muujiyaya wacdaraha.
Collage-ka RIMA international Collage oo ay Soomaali badan dhigtaan ayaa sanad walba qabta bandhig dhaqameedyada noocan oo kalle ah inta badana waxaa ku guuleesta dalka Soomaaliya.

Ismaacil Mayo Adam oo ah u qaabilsanaha Ardayda ajaanibta ah ee dhigata RIMA international Collage oo aan wax ka waydiiyay Maadooyinka lagu barto Collage-ka iyo Xiriirada uu la leeyahay Jaamacadaha Caalamka wuxuuna yiri “RIMA collage Maadooyin badan ayay bixiyaan iyadoo ardayda Ajaanibta ah ee ay ku jiraan Soomaalida laga diyaariyo Luuqad English-ka inta aysan ku biirin Jaamacadaha”.

Dhanka kalle Ismail ayaa intaas ku daray in Soomaalida si gaar ah ay u yihiin kuwo looga jeclyahay Collage-ka iyadoo tan iyo sanadkii 2003 wixii ka danbeeyay ay kaalinta koowaad kaga jiraan Dhanka Wax barashada, tartamada Kubada cagta iyo bandhig Dhaqameedka uu Collag-ka RIMA sanad walba qabato.

Inta badan dalka Malaysia oo ay arday badan oo Ajinabi ah oo wax ku bartaan waxaa lagu soo qabtaa bandhig dhaqameedyo ay ka soo qeyb galaan dalal badan iyadoo inta badan Soomaalida ay guulo ka soo hoyiso dhamaan bandhig dhaqameedyada lagu qabto dalka Malaysia.



Said Omar Baffo
[email protected]
Kuala Lumpur, Malaysia.