Heshiis ay wada-gaadheen Somaliland iyo Jabuuti iyo soo-laabashadii M/weyne Siilaanyo (Daawo Sawirada)
Sabti, 06 November, 2010 (HOL)- Wefti uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu booqasho maalmo qaadatay ku tegay dalka Jabuuti, socdaalkaas oo ay labada dawladoodba ka hadleen.
Ugu horrayn madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ka dib markii uu socdaalka ka soo laabtay Warbaahinta ugu waramay Qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa, ayaa xusay in socdaalkiisaaasi uu ahaa mid si wayn loogu soo dhaweeyay, isla markaana uu kulamo kula qaatay madaxda iyo masuuliyiinta dawladda Jabuuti oo uu ka mid yahay dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.
Dhinaca kale, labada xukuumadood ee Somaliland iyo Jabuuti ayaa wada-jir uga hadlay socdaalka madaxweynaha Somaliland ee dalkaas uu ku tegay. Waxay labada xukuumadood arrintan kaga hadleen war-saxaafadeed ay wada-jir u soo saareen labada Wasiirra ee Arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Warfaafinta Jabuuti Cali Cabdi Faarax.
Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho saddex maalmood ah ku yimi dalka Jabuuti, ka dib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Intii ay Jabuuti joogeen, madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxay wada-hadallo la yeesheen Madaxweynaha Jabuuti iyo masuuliyiin ka tirsan dawladdiisa oo ay ka wada hadleen adkaynta iskaashiga labada dal iyo kobcinta xidhiidhka siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland.
Waxa uu madaxweyne Siilaanyo dalka Jabuuti ku ammaaneen horumarka wayn ee ay ku tallaabsadeen ee dhinacyada badan leh iyo kaalinta hoggaamineed ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka qaatay horumarkan.
Geesta kale, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku bogaadiyay Somaliland dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka sida nabadgelyada ah uga dhacay iyo doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Siilaanyo ka qaatay xasilloonida iyo nabadgelyada Somaliland.
Waxay labada madaxweyne ballan-qaadeen inay si mug leh uga wada shaqayn doonaan iskaashiga iyo wada-shaqaynta labadooda dal ee xagga nabadgelyada, dhaqaalaha, ka-hortagga xasillooni-darrada iyo horumarka Bulshada. Meel-marinta iskaashigana waxay labada dhinac u samayn doonaan Guddi labada dal ah oo arrintan ka hawl-gala, isla markaana waxay labada dawladood ku heshiiyeen inay dhawaan isdhaafsan doonaan wakiillo dawladeed oo kala fadhiisan doona magaalada Jabuuti iyo Hargeysa.
Ugu dambayn Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Somaliland, ka shacbigeeda iyo kiisaba, waxa uu uga mahad-naqayaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti sidii qiimaha lahayd ee isaga iyo weftigiisa ugu soo dhaweeyeen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.