10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 26, 2010
Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo markii ugu horeysay laga hergalinayo Isbitaal


Jimco, 26, November, 2010 (HOL) Degmada Maxaas oo qiyaastii 125-km dhinaca Bari kaga beegan magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeysay waxaa laga hergalinayaa Isbitaal ay yeelato degmada, kaasoo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan Jaaliyadda dibada maamulka degmada iyo guud ahaan waxgaradka kuwaasoo si wada jir ah u dhagax dhigay dhismaha Isbitaalka.

Xassan Cismaan Siyaad "Deegaanley'' oo ka socday Jaaliyadda hergalisay dhismaha Isbitaalka ayaa sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay Jaaliyadda Hiiraan ee qeyb ka qaadato dhismaha adeega guud ee bulshada, isaga oo intaa raaciyay in horay degmada looga hergaliyay goobo waxbarasho, Misjidyo lagu cibaadeysto iyo Ceel-biyoodyo xoolaha iyo dadkuba ka cabaan.

Waxaana uu intaa ku darray in dhismaha Isbitaalka wax weyn ka tari doono dhibaatada dhinaca caafimaadka ka heysata degmada, maadaama degmadu tahay mid aad uga fog masaafo ahaan magaalada Beledweyne islamarkaana muhiim tahay in loo helo goob caafimaad oo dadka lagu daweeyo.

Maamulka degmada Maxaas ayaa iyaguna uga mahad celiyay Jaaliyada Hiiraan howlaha lagu hormarinayo adeega bulshada, waxaana uu maamulku dhinaciisa balan qaaday in uu gacan mug leh ka geysan doono dhismaha Isbitaalka.

Waxgarad ay ka mid yihiin Nabadoon Xassan Jimcaale Siyaad ''Xassan Bilay'' Nabadoon Bare Guuleed Xalane '' Bare Ganey''  Nabadoon Xassan Cosoblle Weheliya, iyo waliba Aqoon-yahan Max'ed Cabdi Macow ayaa dhamaantood waxaa ay sheegeen in talaabada ay qaadeen Jaaliyadda Hiiraan iyo maamulka degmadu tahay mid ku dasho mudan loona baahan yahay in laga wada qeyb -qaato.

Intii aan joogay degmada Maxaas ayaan sidoo kale booqday Xabsiga degmada oo sida la ii sheegay la dhisay 1960-kii, waa xabsi marka aad kor ka eegto u muuqda sidii Mudul ama aqal Soomaali oo kale, laakiin gudisiisa ay ku yaala ilaa Shan Qol oo dhagax ah kuwaas oo lagu xirro maxaabiista.

Guud ahaan degmadu waxaa ay u muuqataa mid hormar ka sameyneysa dhinaca dhismaha, waxaana aad ugu  soo kordhaya Guryaha dhagaxa ka sameysan oo sida la ii sheegay halkaa ka hergalinayaan dadka qurba joogta ah ee ka soo jeeda degmada Maxaas, kuwaasoo muuqaalka iyo milicda guud ee degmada kor u qaadaya.

Laakiin haddana marka aad dhinaca kale eegto waxaa jirra saameyn degmadu ay ku yeesheen dagaallada ka socda qeybo ka mid ah goballada bartamaha Soomaaliya, waxaana markii aan halkaa tagay kula kulmay meydka Shan ruux oo rayid ah kuwaasoo ku dhintay Miino ku qaraxday gaari ay la socdeen.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya