7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 8 , 2010
AFHAYEENKA AL-SHABAAB: "Waan iska difaacaynaa weerar walba oo nooga yimaada Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka, wax wadahadal ahna lama galayno"

Isniin, Mar 08, 2010 (HOL) - Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id qabtay ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin wadahadallo ay la galaan Dowladda Soomaaliya, dagaallada la sheegay in lagu soo qaadayo iyo arrimo kale.

Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin aysan la hadlayn Dowladda Soomaaliya inta ay kasoo laabanayaan howlaha ay ku jiraan, balse haddii ay kasoo laabtaan ay diyaar u yihiin inay wadahadal la galaan.

"Wax wadahadallo ah oo aan la galayno dowladda Soomaaliya ma jiro inta ay kasoo laabanayaan howsha ay ku jiraan, haddii uu Sheekh Shariif kasoo laabto arrintaas waxaan diyaar u nahay inaan la hadalno" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay iska difaacaan dagaal walba oo kaga yimaada Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo sheegay inay gacan ka geysanayaan dagaalka lala galo Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.

"Haddii Mareykanka ay ciidamo u soo diraan Soomaaliya waan u sheegaynaa inay joogaan wiilashii 1993-kii dhulka ku jiiday askartooda, kuwaasoo maanta caqiiqdo ku dagaalamaya" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale Afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu ka hadlay xayiraaddii ay kusoo rogeen dalalka Ingiriiska iyo Kanada isagoo sheegay inay taasi muujinayso inay awoodeysatay Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin.

"Dalalka sheegay inay xayiraad kusoo rogeen Al-shabaab waxay ogaadeen in xarrakadu ay awood yeelatay, taasoo ay ka baqeen inay soo celiso halgannadii looga soo horjeeda sida tii Sayid Maxamed, waxbase nooma dhimayaan, waayo waxaan ku taagannahay waddadii Alle" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaas ku daray: "Inta aan ka guulaysanayno colaadeenna waan wadaynaa".

Mar uu soo hadal-qaaday heshiiska dhexmaray Dowladda Somaaliya iyo Ahlusunna ayuu sheegay inay yihiin laba dhinac oo isku mid ah, uusanna waxba u dhimeyn heshiiskooda jihaadka ay ku jiraan, isagoo Dowladda iyo Ahlusunna uu sheegay inay soo dhistay Dowladda Itoobiya.

Dhanka kale wuxuu sheegay Afhayeenka Xarrakatul Shabaab in Hay'adda WFP aysan dib dambe uga shaqeynayn goobaha ay gacanta ku hayaan, isagoo taas sabab uga dhigay inay dhowr jeer diideen amarro ay kusoo rogeen.

"Hay'adda WFP kama holwgalayso goobaha aan gacanta ku hayno, waayo waxay doonaysaa inay kobciso beeraleyda Mareyakanka iyo Kanada, waana taas midda aan innagu diidannahay, kamana shaqeynayaan goobaha ay Mujaahidiintu joogaan haddii xitaa ay Indhaha dhiig ka keenaa" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu ugu dambeyn sheegay in Xarrakatul Shabaab ay sii wadi doonto dagaallada ay kula jirto Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo cid walba oo ay gacan ka helaan, wuxuu sheegay in Jihaadku uu socon doono inta laga guulaysanayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya