4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2010
Dowladda Soomaaliya iyo Punland oo heshiis ka gaaray khilaaf u dhexeeyay kaddib markii ay kulmeen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Dr. C/raxmaan Faroole
Arbaco, Mar 31, 2010 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland D. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo kulan ku yeeshay Magaalada Addis
Ababa ee dalka Itoobiya ayaa heshiis ka gaaray khilaaf u dhexeeyay.

Shirkan oo ka dhacay Hotel Shaaraton ee Magaalada Addis Ababa ayaa socday saacado, waxaana ka qaybgalay xubno ka kala socday Dowladda Soomaaliya iyo Puntland iyadoo ugu dambeyn lagu gaaray heshiis is afgarad ah.

Mas'uul ka tirsan wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirkan uu ahaa mid aan horay loo qorsheyn balse labada Madaxweyne ay si kadis ah u yeesheen, waxaana uu xusay in labada dhinac ay ku heshiisiiyeen inay wada shaqeeyaan.

La-taliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Cabdi Awaare oo ka mid ahaa xubnihii ka qabgalay shirka ayaa BBC-da u sheegay in labada dhinac ay mar kale ballameen si ay u dhameystiraan is-afgaradkan ay gaareen.

"Waxaa lagu heshiiyay in labada dhinac ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan ayna mar kale shir isugu yimaadaan, waxaana shirka looga hadlay khilaafyadii hore u jiray" ayuu yiri Awaare oo ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin intaas ka badan.

Khilaafka ay maanta ka heshiiyeen Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa wuxuu ahaa mid ka dhashay heshiisyo ay horay ugu gaareen Gaalkacyo Puntland iyo Dowladda Soomaaliya, kaasoo uu dhanka Xukuumadda u saxiixay Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo labadan mas'uul ay isku khilaafeen shir ay hogay ugu yeesheen Nairobi.

Dhanka kale, Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sidoo kale la kulmay Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi iyagoo kawada hadlay sidii ay labada dal ee dariska ah isku kaashan lahaayeen.
Madaxweynaha Somalia oo ka yimid dalka Libya ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale safar ku tago dalka Jabuuti, halkaasoo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya