4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2010
Dagaal khasaare nafeed geystay oo beelo Soomaali ah ku dhexmaray Deegaannada Bacaadweyne iyo Camaaro ee Gobolka Mudug
Arbaco, Mar 31, 2010 (HOL) — Dagaallo ay ku dhinteen ugu yaraan 23-qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa maanta ka dhacay deegaanka Baraag-Ciise oo 30-ka dhinaca Galbeedka ka xigta deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Dagaalkan oo u dhexeeyay Maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, inkastoo aan la hayn cadad sugan, kuwaasoo qaarkood la gaarsiiyay deegaannada Camaara iyo Bacaadweyne oo ay kasoo kala jeedaan beelaha uu dagaalku u dhexeeyay.

Khasaaraha dhismasho ee dagaalka ka dhashay ayaa waxay u badnaayeen dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay iyadoo dagaalkaas uu socday muddo ka badan shan saacadood oo xiriir ah.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka ay dagaalladu ka dhaceen maanta ayaa waxaa weli lagu arkayaa goobihii lagu dagaalamay maydadka dadkii ku dhintay dagaalka, gaar ahaan kuwii dagaallamayay, iyadoo ay socdaan abaabullo dagaal oo laga baqdin qabo inay mar kale dagaallo dhacaan.

Warar kale oo laga helayo deegaanada lagu dagaalamay ayaa sheegaya in dagaalka ay qayb ka ahaayeen gaadiidka dagaalka, meelaha qaarna laga maqlayay hub culus oo dagaalka loo adeegsanayay.

Nabaddoon Cali Horseed oo ka mid ah nabaddoono ka tagay Muqdisho si ay khilaafka u dhameeyaan isuguna keenaan ayaa sheegay in dagaalkan uu ahaa mid ay ka shaqeeyeen dhiciddiisa dad ku sugan Muqdisho.

Inkastoo uusan sheegin dadka dagaalka hoosta ka hurinaya ayuu haddana sheegay inay iyagu sii wadayaan dadaallada nabadeed ee ay ku joojinayaan dagaalka isuguna keenayaan labada beelood si ay uga heshiiyaan khilaafyada.

Dagaalkan ayaa ka dhashay is-qabqabsi dhanka dhulka iyo ceelasha ah oo u dhexeeya labada beelood ee dagaalamay, iyadoo dagaallo horay u dhexmaray ay ku dhinteen dad gaaraya 60-qof ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya