4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2010
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo maanta booqasho ku tagay guriga Golaha Shacabka oo la dayactiray

Arbaco, Mar 31, 2010 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'ake ayaa maanta booqasho ku tagay Golaha shacabka oo dayactir dib loogu dhisayo uu ka socdo, qayb ka mid ah la dhameeyay.

Ra'iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay guddiga u xilsaaran howshan isagoo sheegay in kulammada baarlamaanka ay halkaas ka bilaaban doonaan, wuxuuna soo dhaweeyay howsha lagu dayactiray.
"Waxaan u mahadcelinayaan guddiga ku howlan howsha iskaa wax u qabsada ah ee lagu dhisay Golaha

Shacabka iyo Isbitaalka Martiini qaybo ka tirsan, waxaana ku faraxsanahay in howlahaas lagu guulaystay" ayuu yiri Ra'iisul wasaare Sharma'arke.

Xildhibaan Axmed Diiriye Maxamed oo ah guddoomiyaha guddi loo xilsaaray inay dayactirka ku sameeyaan Golaha Shacabka iyo Isbitaalka Martiini ayaa sheegay inay meel wanaagsan maryso ayna dhawaan dhameystiri doonaan.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa isaguna dhawaan sheegay in kulamada Baarlamaanku ay ka dhici doonaan golihii shacabka, isagoo ugu baaqay dhamaan xildhibaanada dalka ka maqan inay dib ugu soo laabtaan, si ay kulammadu u bilowdaan.

Dayactirka golaha shacabka ayaa la bilaabay muddo 40-maalmood laga joogo, iyadoo la sheegay in baarlamaanku oo ka kooban 550-xubnood ay xarun u noqonayso halkaas, meel kale oo uu fariisanayana aysan jirin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya