5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2010
Roobab Xoogaan oo Xalay ilaa saaka ka da'ayay qaar kamid ah deegaanada ku yaal galbeedka gobolka j/hoose.

Arboco, March 31, 2010 (HOL) - Roobab xoogan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa xalay ilaa saaka waxa ay si xoogan uga da'ayaan deegaanada ku yaal galbeedka gobolka j/hoose.
 
Deegaanada ay roobabkani ka curteen ayaa waxa kamid ah Deegaanka Janaa cabdalle, Sooya, Biibi, Harboole iyo Miido oo dhamaantoodba ku yaal galbeedka gobolka j/hoose, qaar kamid ah dadka ku dhaqan deegaanadaasi oo ay HOL la xiriritay ayaa sheegay in roobabkii xalay ilaa iyo saaka ka da'ay deegaanadasi ay ahaayeen kuwo xoogan islamarkaasina biyo dhigay dhamaanba warooyinkii biyaha iyo  wadooyinka waaweyn ee deegaanadaasi.
 
Dadka ku dhaqan deegaanada galbeed ee gobolka j/hoose oo u badan dad xoolo dhaqato ah ayaa siweyn usoo dhaweeyay roobabkaasi iyagoona ku tilmaamay in roobabkan ka curtay deegaanadaasi ay yihiin kuwo ay aad ugu farxeen islamarkaasina ay yihiin kuwo ay sugayeen madama ay deeganaadasi ka jireen kuleylo aad u xoogan.
 
Sikastaba ha ahaatee roobabkan ka curtay deegaanada ku yaal galbeedka gobolka j/hoose ayaa kusoo beegmaya iyada oo uu fooda inagu soo hayo xiliga gu'ga oo aalaba ay da'aan roobab xoogan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya