4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2010
Dadaallo lagu dhex dhexaadinayo labo Beelood oo horay u dagaalamay ayaa ka soconaysa Magaalada Galkacyo ee G/Mudug

Arbaco, Mar 31, 2010 (HOL)  Qaar  ka mid ah odayasha Gobolka Mudug ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dadaallo ay ku doonayaan in lagu dhex dhaxaadiyo  labo beelood ku wada dagaalamay meelo kamid ah  Puntland.

Waxaa la sheegay in Todobaad ka hor uu baaqday kulankii lagu dhex dhexaadin lahaa labadasi Beelood ,Balse dib loo furayo Maalmaha soo socda si arimahaasi xal dhab ah looga gaaro.

Nabadoon Maxamed Yuusuf Jaamac oo Ka mid ah Nabadoonada arintan isha ku haya ayaa u sheegay warbaahinta Mudug in Balan loo qabtay odayaasha labada dhinac ay baajiyeen ,isla markaana aysan ka soo qayb galin shir lagu qaban lahaa tuulada  Magacley oo ka tirsan degmada Burtinle.

Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa rajo ka muujiyay halka ay wax marayaan ,Waxaana uu ka codsaday dhinacyadu ay dirirtu ka dhaxayso in la is afgarto si  uusan dagaalku intaa uga sii badan.

Waxa uu tilmamay in Muranka ugu badan uu ka taagan yahay lacag laga dhacay sedex ruux oo ka soo jeeda Mid ka ah dhinacyada is haysta,Waxaana uu rajo uu ka muujiyay xalinta arintaasi .

Sidoo kale Waxaa la sheegay in xalinta arintan ay ka qayb qaadanayaan Nabadoono ka soo jeeda Deegaanka Bookh ee Ismaamulka soomaalida ee Itoobiya.

Labada Beelood ee dagaalamay ayaa ka soo kala jeeda Sool iyo Nugaal ,Waxaana khilaafka u dhaxeeya uu markiisi hore ka bilowday rag la iska kala dilay,Waxaana dadaalada socda ay hakin karaan khilaaf sii socda.

Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somaliya