4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2010
SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Dagaallada aan ku jirno ma joojinayno inta aan ka gaarayno hadafkeenna, waxayna qaadan karaan sanooyin"

Arbaco, Mar 31, 2010 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaam oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho Talaadadii shalay ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin doomo ganacsi oo ay afduubeen burcadbadeeda.

Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam wuxuu sheegay in dagaallada ay ku jiraan ay yihin kuwo ay ku doonayaan inay dalka kaga xoreeyaan ciidamo kusoo duulay sida uu hadalka u dhigay iyo dowladda Soomaaliya uu ku tilmaamay mid u shaqeysa dalal cadow ah.

"Dagaallada aan ku jirno way soconayaan inta aan ka gaarayno hadafkeenna ah inaan dalka ka xoreyno ciidamada shisheeye, inta uu qofi naga nool yahay ma joogsanayaan, waxayna qaadan karaan sanooyin" ayuu yiriSheekh Xasan Daahir.

Hoggaamiyahan ayaa sidoo kale sheegay inuusan la hadlin dowladda Soomaaliya inta ay dalka ku sugan yihiin ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay yihiin kuwo dalka kusoo duulay, haddii ay dalka ka baxaan ayuu sheegay inay la hadli karaan cid walba oo doonaysa in dalkaan laga dhiso dowlad.
Sidoo kale shirkiisa jaraa'id ayuu kaga hadlay doomo ganacsi oo ay kooxo burcadbadeed ah gacnta gacanta ku dhigeen kuwaasoo weli hayta, wuxuuna ugu baaqay inay kusii daayaan 48-saacadood, haddii kale ay tallaabo qaadi doonaan.

"Falalka burcadbadeeddu ay ku kaceen waa mid ay ku doonayaan inay cunaha uga qabtaan Shacabka Soomaaliyeed mana aqbalayno, haddii ay kusii dayn waayaan mudada aan u qabanayna waxaan ka qaadanaynaa go'aan buuxa" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Sheekh Xasan wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo tallaabada ay qaadayaan, isagoo ku gaabasaday inay tahay arrin Milarti oo uusan doonayn inuu ka sheego dibadaha, balse markii ay dhacdo la arki doono.

Dhanka kale, wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii ay Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca kuwada gaareen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo sheegay inuu ahaa heshiis colaadeed oo cadow uu wato.
Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay Qubuurihii ay ku aasnaayeen culummada Soomaaliya sida weyn looga yaqaan ee ay burburinayso Xarrakatul Shaababul Mujaahidiin, wuxuuna sheegay inay tahay mid diini ah oo cid diidi karta aysan jirin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya