4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2010
Dowladda Mareykanka oo ka fikireysa sidii ay uga qeyb qaadan laheyd qorshaha Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dalka uga saarto Xoogagga ka soo horjeeda.

Arbaco, 31, Mar, 2010 (HOL) Sida laga soo xigtay Wasaarrada Gaashaandhiga iyo hogaanka Militariga dalka Mareykanka waxaa jirra qorshe Dowladda Mareykanku ka fikireyso oo ah suurta galnimada in loo dirro dalka Soomaaliya diyaaradaha aan cidana wadin ee wax basaasa iyo ciidamo kooban oo ka tirsan kumaandoos-ka dalka Mareykanka si markaa loo gacan siiyo isku deyga Dowladda Soomaaliya ee ah in dalka laga saaro kooxaha ka soo horjeeda oo la leeyahay waxaa gacan siiya Urur weynaha Al-qaacida.
Inkastoo qorshahani yahay mid aan la soo dhameystirin ama aan si cad loo shaacin, haddana waxaa soo baxaya in Saraakiil ka tirsan Dalka Mareykanka wada hadallo hoose oo aan toos aheyn kula yeeshaan Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya Safaaradaha wadamada dariska la Soomaaliya sida Dalka Kenya oo marar badan ay isku arkeen Saraakiil ka kala tirsan labada dhinaca.

Laakiin haddana waxaa meesha ka marneyn in Dowladda Mareykanku ka dooneyso Dowladda Soomaaliya in ay bixiso faah faahin dheeraad ah, iyo waliba in ay la timaado Maamul wanaagsan iyo in la soo dhaweysto Xoogagga qunyar socodka ah oo markaa loola jeedo Urur Diimeedka Ahlu Sunna Waljameeca oo ka mid ah darafyada dagaallka kula jirra Xoogagga Mareykanku u arko in ay ka mid yihiin Aragagixisada caalamka.
 
Mareykanku waa ay ku adag tahay in uu si weyn uga dhax muuqdo howlaha Militari ee dalka Soomaaliya, walow haddana uu ka walaacsan yahay qatarta iyo saameyta ay yeelan karaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya kuwaa oo uu Mareykanku u arkayo in ay gabaad siinayaan shaqsiyaad siweyn loo doon doonayo kana tirsan Al-qaacida,kuwaa oo ka kala imanaya Wadamada Afgaanistaan iyo Pakistaan.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in Mareykanku si gaar ah isha ugu hayo Islaamiyiin la sheegay in ay isaga gudbaan dalalka Soomaaliya iyo Yaman, iyo waliba dhaliyarro Soomaali ah islamarkaana heysta dhalashada dalka Mareykanka ay in ay qeyb ku leeyihiin howlaha Xoogagga hubeysan ee Islaamiyiinta ah ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, kuwaa oo xitaan la sheegay in ay ka qeyb qaataan dagaallada iyo weerarada ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya.

Marka laga soo tago in Mareykanku ka fikirayo in uu soo fara galiyo xaaladaha Militari ee ka jirra gudaha dalka Soomaaliya, ilaa hadda lama sheegin codsi rasmi ah oo ka yimid dhinaca Dowladda Soomaaliya kaa oo Mareykanka weydiisanaya in uu gacan ka siiyo dagaallka looga soo horjeeda Xoogagga hubeysan gaar ahaa Ururka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ah kan ugu tunka weyn Xoogagga ku kacsan Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]