4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2010
Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo diiday codsi kaga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Arbaco, Mar 31, 2010 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u diray warqad codsi ah oo uu ku doonayo in ciidamo lagu tababaray dalka Kenya loo raro Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan dagaalka ay Dowladdu ku doonayso inay kaga hortagto mucaaradka, balse codsigaas waxaa diidday Kenya.

Madaxweynaha Kenya Muwai Kibaki ayaa gaashaanka ku dhuftay codsigaas oo gaaray 21-kii Bishan May, wuxuuna sheegay in taasi ay khatar ku keenayso ammaanka guud ee dalkiisa.
Ciidamada lagu tababaray dalka Kenya ee ay codssatay Dowladda Soomaaliya in loo daadgureeyo Muqdisho ayaa gaaraya 2,500-askari, kuwaasoo lagu ururiyay degmooyinka Gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya oo ay dagaan dadka Soomaalida ah.

"Ma doonayno inaan ciidamadeenna u dirno dalka Soomaaliya, taasi waxay khatar ku keeni kartaa ammaankeenna" ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo sheegay inuu aqoonsan yahay saaxiibna la yahay dowaldda Soomaaliya ee hoggaaminayo Shekh Shariif Sheekh Axmed.

Afhayeenka Xukuumadda Kenya Alfred Mtuwa oo la hadlay warbaahinta dalkiisa ayaa isagu sheegay in ciidamadan laga ururiyay dalka Kenya ay tababarro qaateen dhowr bilood, ayna ugu talogaleen inay dalkooda ku difaacaan.

"Madaxweynaheennu aad ayuu u qadarinayaan Dowladda Soomaaliya, balse diyaar uma ahan inuu xilligan ciidamo u diro dalkaas, waayo taasi waxay khatar ku tahay ammaanka dalkeenna" ayuu yiri Mtuwa.
Ciidamadan ay diiday Kenya ayaa waxaa ururiyay wasiirkii hore Gaashaandhigga Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, waxaana xukuumadda Kenya ay dhowr jeer oo hore inkirtay jirtaanka ciidamadaas, balse tani waxay u muuqataa inay qiratay markii ugu horreysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya