3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2010
Siyaabo kala duwan oo looga hadlay amarkii ay Xarrakatul Shabaab kaga mamnuucday Hay'adda WFP in ay ka shaqeyso Soomaaliya

Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Shacabka Magaalada Muqdisho ku nool ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay amarkii ay Xarrakatul Shaababul Mujaahidiin kaga mamnuucday hay'adda WFP inay ka shaqeyso deegaannada ay gacanta ku hayaan oo ay ku sugan yihiin dad badan oo ku tiirsan gargaarrada caalamiga ah.

Dadkan oo ku kala nool deegaannada loo barakacay ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye iyo deegaannada kale Gobollada ay kooxdan gacanta ku hayso ayaa intooda badan waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin mamnuucidda lagu soo rogay.

"Hay'adda WFP waxaa ku tiirsanaa gargaarkeeda dad badan oo kasoo cararay dagaallada ka socda Muqdisho iyo dad kale oo abaaro ay waxyeello u geysteen, aad ayaan uga xunnahay inay shaqada laga joojiyo" ayuu yiri ruux magaciisa qariyao oo ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha.

Raxmo Axmed oo ah hooyo sheegtay inay haysato dhowr caruur ah ayaa iyaduna sheegtay inay aad uga xun tahay in shaqada laga joojiyo hay'adda WFP, balse ay ka dalbanayaan Xarrakatul Shabaab inay iyagu dadka siiyaan gargaar.

'Waa wax loo baahnaa in haya'dda WFP laga joojiyo gargaarkii ay ka bixin jirtay Soomaalyia, waayo waxay caqabad ku ahayd beeraleyda Soomaaliyeed oo marka ay mirahoodu soo go'aan laga dul keeni jiray galey laga soo iibiyay calaamka" ayuu yiri Axmed Rooble oo ku sugan Gobolka Shabeellada Hoose.

Xarrakatul Shaababul Mujaahidiin ayaa dhawaan soo saaray amarro ay ku sheegtay inay kaga joojisay Hay'adda WFP inay ka howlgasho Soomaaliya iyadoo lagu eedeeyay in raashinka ay qaybiso ay yihiin kuwo dhacay.

Hay'adda WFP oo ka jawaabtay arrintaas ayaa waxay sheegtay inay sii wadayso gargaarka ay siinayso dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena Dowladda ayaa sheegtay in hay'addu ay kasii shaqeyso Magaalada Muqdisho inta isbadal uu dhacayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/3/2010 7:51 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka Tamarta iyo Shiddaalka C/waaxid Cilmi Cumar (Goon-jeex) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in maamul goboleedyada dalka ka jira aysan wax heshiisyo ah la geli karin shirkadaha shidaalka qoda.

3/3/2010 7:51 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Burcadbadeed Soomaali ah ayaa afduub ku qabsaday Isniintii Markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Saudi Arabia iyo 14-shaqaale ah oo la socday, kaasoo aan wadin wax xamuul ah.

3/3/2010 5:02 AM EST
Arbaco , March 03, 2010(HOL): Madaxwaynaha DGPL Dr C/rixmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si gaar ah ula dar daarmay Wasiiro ku Cusub Xukuumada oo uu dhawaan soo magacaabay ,ka dib kulan ka dhacay Madaxtooyada Garowe.

3/3/2010 5:00 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Mareykanka marka la gaaro todobaadka soo socda.

3/3/2010 4:59 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Waxaa sii kordhaya tirada dadkii ku dhintay dagaallo xooggan oo ilaa xalay fiidkii ka socday Magaalada Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga kasoo horjeeda.

3/3/2010 4:58 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa inay maanta dhageysato dacwad ka dhan Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Gen. Maxamed Cali Samatar oo dalkaas ku noolaa wixii ka dambeeyay burburka.

3/3/2010 4:58 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Wasiirka wafaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Max'ud Geelle oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulammo la qaatay Jaaliyadda ku nool Gobolka Minnesota ee dalkaas, wuxuuna ka hadlay xaaladda uu dalku marayo.

3/3/2010 4:57 AM EST
Talaado, Feb, 3, 2010 (HOL) Maamulka Culma'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku haya Goballka Galgaduud ayaa markii ugu horeesay waxaa amar ku siiyeen Suxufiyiinta ka howl-gasha Goballka in ay isa soo diiwaan galiyaan.