4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2010
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in maamul goboleedyada dalka ka jira aysan heshiisyo la geli karin shirkadaha shidaalka qoda

Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka Tamarta iyo Shiddaalka C/waaxid Cilmi Cumar (Goon-jeex) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in maamul goboleedyada dalka ka jira aysan wax heshiisyo ah la geli karin shirkadaha shidaalka qoda.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiisyada lagu qodayo shidaalka ama lagu soo saarayo ay geli karto oo keliya Dowladda dhexe, isagoo sheegay in taasi ay ku qoran tahay sharciga dalka u dagsan ee uu ansixiyay baarlamaanka.

"Kheyraadka dalka soo saaristiisu waxaa geli heshiisyadooda dowladda dhexe, mana jiro sharci dhigaya in heshiisyada noocan oo kale ah ay galaan maamul goboleedyada dalka ka jira" ayuu yiri C/weli Goon-jeex.

Wasiirku wuxuu sheegay in maamul goboleedyada dalka qaarkood ay heshiisyo la galeen shirkado shidaalka qoda oo aad looga yaqaan caalamka, isagoo sheegay inay taasi ku tahay xadgudub weyn oo ay galeen.

"Maamul Goboleedyada dalka ka jira lama geli karaan heshiisyo Shirkadaha Shidaalka qoda, waxaan diidaya dastuurka dalka u yaalla" ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka Soomaaliya oo intaas ku daray inay wanaagsan tahay in lasoo saaro kheyraadka dalka ku jira si dadka Soomaaliyeed ay uga baxaan faqriga.

Wasiirku wuxuu sheegay in shirkadihii horay ula galay TFG-da heshiisyada lagu baarayo shidaalka dalka ku jira ay muddo lix bilood ah kula soo xiriiraan dowaldda si wax looga badalo heshiisyadii ay horay u galeen.

"Shirkadihii hore ee heshiiska lala galay waa inay cusboonaysiiyaan heshiisyadooda oo ay u badalaan mid wax-soo-saar-wadaag ah, kaasoo ay la galayso DFKMG" ayuu yiri Wasiirka Tamarta C/waaxid Cilmi Goonjeex.

Wuxuu sheegay in inta badan shirkadihii shidaalka ay la xiriireen ayna qaarkood ka heleen jawaabo, inkastoo ay jiraan kuwo kale oo aanay weli wax jawaabo ah ka helin, waxaana heshiisyada shirkadaha shidaalka lala galo ay horay u gilgileen TFG.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya