3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2010
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo todobaadka soo socda ku tagi doona dalka Ingiriiska booqasho rasmi ah

Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Britain marka la gaaro todobaadka soo socda.

Waxaa lagu wadaa in wafdiga Madaxweynaha oo ka koobnaan doona Xildhibaanno wasiirro iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ay kulammo la qaataan madaxda sarsare ee dalka Ingiriiska inta ay booqashada ku joogaan halkaas.

Madaxweynaha ayaa Arbacada soo socota (10/03/2010) waxaa lagu wadaa inuu meel fagaare ah kala hadlo Soomaalida ku nool dalkaas, isagoo kaga warbixin doona xaaladda dalka uu marayo iyo go'aanka dowladdiisa ee ku aaddan soo celinta amniga dalka.

Booqashadan oo aan la aqoon inta maalmood ee ay qaadan doonto ayaa waxay noqonaysaa markii labaad oo uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tago dalkaas booqasho noocan oo kale ah.

Sheekh Shariif ayaa horay u sheegay socdaallada faraha badan ee uu ku tagayo dalalka Caalamka ay qayb ka yihiin sidii uu indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa dalka ay dagaalladu ka socdeen muddada rubuc qarniga ku dhow.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaan la sheegin inay booqan doonaan dal kale oo Yurub ku yaalla, waxaana dhawaan booqday dalka Ingiriiska wasiirro si weyn ugu dhow Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay ka mid yihiin Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirka Warfaafinta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/3/2010 7:52 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Shacabka Magaalada Muqdisho ku nool ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay amarkii ay Xarrakatul Shaababul Mujaahidiin kaga mamnuucday hay'adda WFP inay ka shaqeyso deegaannada ay gacanta ku hayaan oo ay ku sugan yihiin dad badan oo ku tiirsan gargaarrada caalamiga ah.

3/3/2010 7:51 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka Tamarta iyo Shiddaalka C/waaxid Cilmi Cumar (Goon-jeex) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in maamul goboleedyada dalka ka jira aysan wax heshiisyo ah la geli karin shirkadaha shidaalka qoda.

3/3/2010 7:51 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Burcadbadeed Soomaali ah ayaa afduub ku qabsaday Isniintii Markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Saudi Arabia iyo 14-shaqaale ah oo la socday, kaasoo aan wadin wax xamuul ah.

3/3/2010 5:02 AM EST
Arbaco , March 03, 2010(HOL): Madaxwaynaha DGPL Dr C/rixmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si gaar ah ula dar daarmay Wasiiro ku Cusub Xukuumada oo uu dhawaan soo magacaabay ,ka dib kulan ka dhacay Madaxtooyada Garowe.

3/3/2010 4:59 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Waxaa sii kordhaya tirada dadkii ku dhintay dagaallo xooggan oo ilaa xalay fiidkii ka socday Magaalada Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga kasoo horjeeda.

3/3/2010 4:58 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa inay maanta dhageysato dacwad ka dhan Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Gen. Maxamed Cali Samatar oo dalkaas ku noolaa wixii ka dambeeyay burburka.

3/3/2010 4:58 AM EST
Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Wasiirka wafaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Max'ud Geelle oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulammo la qaatay Jaaliyadda ku nool Gobolka Minnesota ee dalkaas, wuxuuna ka hadlay xaaladda uu dalku marayo.

3/3/2010 4:57 AM EST
Talaado, Feb, 3, 2010 (HOL) Maamulka Culma'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku haya Goballka Galgaduud ayaa markii ugu horeesay waxaa amar ku siiyeen Suxufiyiinta ka howl-gasha Goballka in ay isa soo diiwaan galiyaan.