4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2010
Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa khasaaraha dagaallo illaa xalay ka dhacayay Magaalada Muqdisho iyo guulo laga kala sheegtay

Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Waxaa sii kordhaya tirada dadkii ku dhintay dagaallo xooggan oo ilaa xalay fiidkii ka socday Magaalada Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga kasoo horjeeda.

Inta la hubo waxaa dagaalladaas oo bilowday subaxnimadii shalay ku dhintay 15-qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur aad u da'yar, kuwaasoo ay madaafiic culus ku dhaceen degmooyinkii ay Muqdisho kaga sugnaayeen.

Duniya Cali Max'ud oo u hadashay Isbitaalka Madiina ayaa sheegtay in isbitaalkooda lasoo gaarsiiyay dhaawacyo kor u dhaafaya 30-qof, kuwaasoo afar ka mid ah ay ku dhinteen Isbitaalka intii aan loo sameyn gargaarka caafimaad.

"Waxaa ku dhintay Isbitaalka gudihiisa afar qof oo ay caruuri ku jiraan, dadka qaba dhaawacyadana waxay u badnaayeen kuwo culus, waxaana ku jiray haween" ayay tiri Duniya oo sheegtay in dhaawacyo cusub saakay lasoo gaarsiiyay.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxay intooda badan ahaayeen shacab, waxaana saraakiil u kala hadlay Xarrakatul Shabaab iyo Dowladda ay kala sheegteen guulo ay ka gaareen dagaalladaas oo ahaa kuwii xoganaa ee maalmihii ugu dambeeyay ka dhaca Muqdisho.

Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indha-cadde) oo saxaafadda la hadlay saakay ayaa sheegay in goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamadooda ayna dileen tiro ka mid ah kooxihii dagaalka kula jiray, kuwaasoo uu ku kala sheegay saraakiil iyo ciidan dagaalamayay.

Sheekh Yuusuf Indha-cadde wuxuu sheegya in ciidamada dowladdu ay ku sugan yihiin Tarabuunka ayna ku dhow yihiin Isbitaalkii hore ee Xoogga halkaasoo saldhig u ahayd xoogagga dowladda kasoo horjeeda.

Dhanka kale, Waaliga Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shaababul Mujaahidiin oo isaguna saakay shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dagaalladii u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda oo kaashanaysa AMISOM ay guulo ka gaareen.

"Dagaalladaas waxay ahaayeen kuwo lagu doonayay in lagu qabsado goobo cusub oo ay ku sugan yihiin Islaamiyiinta, waan ka hortagnay waana ka guulaysanay" ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen, isagoo aan sheegin khasaaraha dagaalka.

Inta badan dagaallada ka dhaca ayaa waxay khasaaraha ugu badan ka gaartaa dadka shacabka ah iyadoo kooxaha iska soo horjeeda isku tuur-tuuraan mas'uuliyada dhibka gaara shacabka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya