4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2010
Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka oo maanta dhageysanaysa dacwad ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya

Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa inay maanta dhageysato dacwad ka dhan Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Gen. Maxamed Cali Samatar oo dalkaas ku noolaa wixii ka dambeeyay burburka.

Warbaahinta dalka Maerykanka ayaa qoray in Gen. Samatar loo haysto xadugudbyo ka dhan ah bani'aadamnimada oo uu geystay intii uu ahaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya xilligii xukuumaddii Milateriga.

Mr. Andrea Parsow oo ka mid ah Ururka Human Rights Watch oo xarunteedu tahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in dacwooyinka loo haysto mas'uulkan ay dhaceen 1980-kii markaasoo ay awood badan lahayd xukuumaddii uu ka tirsanaa.

"Waxaa dacwada ka dhanka ah Gen. Samatar soo gudbiyay dad uu jirdil u geystay balse badbaaday kuna nool dalka Mareykanka" ayuu Parsow u sheegay wargeys weyn oo kasoo baxa dalka Mareykanka.

Gen. Max'ed Cali Samatar ayaa ku nool Virginia oo ku dhow Magaalada Washington DC, wuxuu sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn dambiyada loo haysto, uusanna geysan wax dhibaato ah intii uu xilka yahay, wuxuuna sheegay in dhqdhaqaaqan ay wadaan dad dibadaha ku nool oo doonaya inay sharaftiisa wax u dhimaan.

"Waa dhibaato weyn in qof dambi galay uu ku dhuunto dal dibadda ah, waana in lagu ciqaabo qof walba dambigii uu geystay meel walba oo uu caalamka ka joogo" ayuu yiri Persow mar kale.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya ahnaa Ra'iisul wasaare Gen. Maxamed Cali Samatar ayaa dacwaddiisa waxaa laga yaabaa in maanta oo Arbaco ah la dhageysto iyadoo Maxkamadddu ay go'aan ka gaarayso dacwaddan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya